Sawirro: Koonfur Galbeed oo hub kasoo furatay Shabaab

Berdaale (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaaraya gobolka Baay ayaa sheegaya in saaka weerar culus uu ka dhacay duleedka degmada Berdaale ee gobolkaasi, kaas oo ay qaadeen ciidamo ka tirsan kuwa deegaanka ee ka howlgala deegaanada Koonfur Galbeed.

Weerarkan oo ahaa mid bartilmaameed ah ayaa waxaa lagu beegsaday goob ay Al-Shabaab kaga sugnaayeen tuulada Taflow oo 28 KM u jirta degmada Berdaale ee gobolka Baay.

War kasoo baxay Koonfur Galbeed oo lagu baahiyay Telefishinka maamulkaasi ayaa lagu sheegay in howlgalka oo guuleystay lagu dilay 9 ka tirsanaa xubnaha Al-Shabaab.

Koonfur Galbeed ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in hub iyo rasaas ay ciidamada deegaanka kusoo furteen weerarka ay saaka ku qaadeen kooxda Al-Shabaab

“Degmada Bereaale Ee Gobolka Bay Taariikhda:18/4/2024 Xarun ay Khawaarijta kulahaayeen Tuulada Taflow oo 28km Dhanka Koonfur kaga beegan Degmada Berdaale ayaa Ciidanka Xaq udirirka Deeganka weerar ay kuqaadeen waxaa laga soo furtey 7 qori oo AK 47 ah iyo 1 Bkm iyo 8-Sanduuq oo Rasaas ah waxaana Khawaarijta Halkaas Lagaga diley 9 Maleeshiyo oo Argagixisada Daacad u ahaa” ayaa lahu yiri warsaxaafadeedka.

Sidoo kale waxaa qoraalkan lagu sheegay in ciidamada qaaday howlgalka oo gurmad ahaan u baxay ay nabad qabaan, welina ay dhaq-dhaqaaqyo ka wadaan halkaasi

“Ciidamada Xaq udirirka ah ayaa hada gurmad uga baxay Degmada Berdaale Wayna Nabad qabaan Ciidanka” ayaa mar kale lagu yiri warka qoraalka ah.

Xaaladda ayaa haatan mid aad u kacsan, mana jiro wax hadal ah oo kasoo baxay dhanka kooxda Al-Shabaab oo ku aadan howlgalkaas ee ay guusha ka sheegatay Koonfur Galbeed.

Gobollada Baay iyo Bakool oo ay xilligan ka socdaan howlgallo culus oo ka dhan ah Al-Shabaab ayaa waxaa badanaa ka dhaca dagaallo u dhexeeya labada dhinac.