Wararkii ugu dambeeyey ee Somaliland iyo Khaatuumo oo qarka u saaran dagaal cusub

Laascaanood (Caasimada Online) – Sarkaal sare oo ka tirsan ciidammada SSC-Khaatumo ayaa sheegay in qorshaha qaar ka mid ah ciidammada taageerayay xoogagga SSC dib ugu noqdeen Mudug ay tahay mid la isla ogaa, markii loo baahdana ay soo noqon karaan.

“Ciidammad SSC-Khaatuml way ku filan yihiin difaaca dhulkooda, wayna uga mahadcelinayaan ciidammada sida xaqa ah ugu soo gurmaday intii ciidammada Somaliland oo u abaabulan hab beeleed ay duqeynayeen Laascaanood,” ayuu yiri sarkaalka sare ee SSC-Khaatumo oo ku sugan duleedka deegaanka Oog.

“Haddii ciidamada beelaha maamulka Somaliland taageersan ay weerar soo qaadaan dagaalku wuu ka duwaananaan doonaa kii socday sanad kahor. Wuxuu noqon doonaa mid ka socon doona soohdin beeleed dheer,” ayuu yiri.

Sarkaalka oo codsaday inaan la magacaabin ayaa sheegay in Somaliland aysan waxba ka dheefi doonin colaad cusub, ayada oo bilihii ugu dhowaa ay xaaladduu deganeyd.

“SSC-Khaatumo iyo ciidammada taageerayay weerar kuma qaadin dhulka beelaha Isaaqa. Colaad cusub macne cusub bay yeelanaysaa. Waxaannu u arki doonnaa gardarro dhiigeenna iyo hantideenna lagu bannaysanayo,” ayuu yiri.

 Maamulka Somaliland ayaa maalmihii u danbeeyey dhaq-dhaqaaq xooggan ka wadey jiidaha ciidamadu isku hor fadhiyaan ee degmada Oog oo u dhaxaysa Burco iyo Laascaanood. 

Somaliland ayaa boqolaal dhallinyaro ah oo ay sheegtey in tababar u soo xirtay keenteay furimaha la isku horfadhiyo, sidoo kale gaadiid dagaal oo dheeraad ah ayaa la keenay aagaas.

Wararku waxay sheegayaan in Somaliland dooneyso in ay dagaal dib ugu soo qaadeyso gobolka Sool oo laga saarey bishii Agoosto ee sanadkii hore, ka hor maalinta ay sida weyn u xusaan ee 18 May.

Ilaa saddex deegaan ayaa ciidamo dheeraad ah la keenay sida ay sheegayaan dadka deegaanka, waxaana kamid ah Buqdharkeyn iyo Oog.