KOONFUR GALBEED oo ka hortimid go’aankii guddiga doorashada federaalka

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddiga SEIT ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa ka horyimid go’aankii uu ku dhowaaqay guddoomiyaha guddiga doorashooyinka FEIT ee ahaa in dib loogu laabanayo kuraasta HOP#103 iyo HOP#154.

Qoraal kasoo baxay guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu sheegay in mid ka mid ah horey loo fasaxay, halka kan kalena aysan ka imaan wax cabasho ah isla-markaana aysan suuragal aheyn in dib loogu laabto doorashada kuraastan.

Mid ka mid ah kuraastan waxaa horey ugu fadhiyey guddoomiyihii hore ee  Golaha Shacabka, Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, halka kan kalena ay ku fadhiso Xildhibaan Sareedo oo dib loo doortay.

Guddiga ayaa sidoo kale ugu baaqay FIET inuu ka shaqeeyo danaha guud ahaan Ummadda Soomaaliyeed, isla-markaana doorashada laga daayo caqabadda.

“Kursiga HOP#103 horaa loo fasaxay, HOP#154 cid ka dacwooneysa lama haayo, guddiga FEIT ha ka shaqeeyo danaha ummada, doorashada carqalada halaga daayo,” ayaa lagu yiri.

Dhinaca kale guddiga Koonfur Galbeed ayaa soo bandhigay xaanshi uu ku saxiixan yahay guddoomiyihii hore ee guddiga doorashooyinka, isla-markaana lagu fasaxay kursiga uu ku fadhiyey Prof. Jawaari oo loo doortay xildhibaan cusub oo ay isku dhow yihiin Lafta Gareen.

Shalay ayey aheyd markii guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Muuse Geelle Yuusuf uu shaaciyey in la hakiyey natiijada kuraasta HOP#103, HOP#154 iyo kursiga kale ee uu kusoo baxay Mudane Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, kaas oo uu tirsigiisu yahay HOP#086.