26.9 C
Mogadishu
Sunday, November 9, 2025

K/ Galbeed oo qaaday tallaabo la xiriirta ninkii lagu gubay Wanlaweyn

Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhaaba (Caasimada Online) – Maamul-goboleedka Koonfur Galbeed oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa si kulul uga hadlay dhacdadii argagaxa lahayd ee shalay ka dhacday duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha Hoose, kadib markii halkaasi si arxan daro ah loogu dilay nin odey ah oo dhimirka ka xanuunsanaa, lana gubay.

Muuqaal si weyn loogu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayo koox rag ah oo ulo ku garaacaya marxuumka, kadibna dilaya, iyaga oo ugu dambeyn  gubay, sida laga arki karo muuqaalka oo ku baahay baraha bulshada ee Internet-ka, dadkuna ay ka xumaadeen.

Koonfur Galbeed ayaa shaaca ka qaaday inay si buuxda u baari doonto falkaasi, ayna ka xun tahay, iyada oo sidoo kale ballan qaaday in ay soo qaban doonto dambiileyaasha.

“Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka oo ay soo saartay wasaaradda warfaafinta maamulkaasi.

Falkan argagaxa leh ayaa la sheegay inuu salka ku hayo dilal la xiriira aanooyin qabiil oo ka taagan aagga Wanlaweyn oo ay marar badan kusoo laa laabteen dagaal beeleedyada.

Hoos ka akhriso qoraalka oo dhammeystitan;-

Dowladda Koonfur Galbeed Soomaaliya waxay si adag u canbaareyneysaa dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday deegaanka Dadumaay, oo ku yaalla duleedka degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellada Hoose. Falkan oo ahaa mid argagax leh oo liddi ku ah qiyamka bani’aadantinimo, nabadda iyo wada-noolaanshaha bulshada.

Dowladda Koonfur Galbeed waxay Cadayneysaa in aysan marnaba aqbalayn in falal noocaan oo kale ah laguna carqaladeeynaayo amniga iyo xasilloonida shacabka, iyadoo tilmaamtay in kooxaha falkaasi ka dambeeyay ay yihiin cadawga nabadda iyo horumarka bulshada.

Dowladda Koonfur Galbeed waxaa si dhab ah uga go’an in ay baaritaan buuxa ku sameyso dhacdadan xanuunka leh, ayna cadaaladda horkeenidoonto cid kasta oo ku lug yeelatay falkaas. Waxayna Dowladda wacad kumaraysaa inaysan jiri doonto cid ka baxsan doonta sharciga.

Sidoo kale, Dowladda Koonfur Galbeed waxay tacsi tiiraanyo leh u direysaa ehellada iyo qoysaska Marxuumkii ku geeriyooday falkaasi, waxayna Alle uga baryeysaa inuu u naxariisto.

Dowladdu waxay ugu baaqeysaa shacabka in ay ka feejignaadaan kooxaha doonaya in ay dhibaato iyo cabsi gelin ku fidiyaan bulshada dhexdeeda, isla markaana ay si dhow ula shaqeeyaan laamaha amniga si looga hortago falal noocan oo kale ah.

- Advertisement -

Read more

Local News