25.4 C
Mogadishu
Tuesday, June 24, 2025

Koonfur Galbeed oo si jees jees uga jawaaabtay go’aankii lagu mamnuucay xildhibaanada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Baydhabo (Caasimada Online) – Iyadoo maalinimadii shalay guddiga xalinta khilaafaadka doorashooyinka ay soo saareen liiska xildhibaanno la joojiyay natiijadoodii doorasho, ayaa dhinaca kale waxaa arintan durbaba jawaab ka bixiyay maamulka K/galbeed oo ku gacan-seyray go’aanka guddiga.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay in go’aanka lagu hakiyay natiijada uu yahay mid u gaara Guddiga khilaafaadka doorashooyinka.

Maamulka Koonfur Galbeed waxa uu tilmaamay inaysan u hogaansami doonin go’aankaasi waxa uuna maamulka cod dheer ku sheegay in musuqa Guddiga khilaafaadka doorashooyinka aysan dhag jalaq usiin doonin.

Maamulka waxa uu sheegay in go’aankaasi uu yahay mid Siyaasadeysan oo dano gaara laga leeyahay waxa uuna si cad u qaadacay go’aanka Guddiga, sida lagu xaqiijiyay warqad kasoo baxday maamulka.

Maamulka ayaa intaa ku darray in xildhibaannada la joojiyay ee lagu doortay magaalada Baydhabo ay yihiin kuwo ku soo baxay sifo sharci ah.

Sidoo kale, Guddiga doorashooyinka dadban ee maamulka Koonfur galbeed ayaa ku gacan seyray qoraalka guddiga xalinta khilaafaadku ku diideen shan ka mid ah xildhibaanadii lagu doortay Baydhabo.

Dhinaca kale, guddiga doorashada maamulka K/galbeed ayaa sheegay in go’aanka soo baxay yahay mid la musuq-maasuqay.

Caasimada Online
Xafiiska Baydhabo
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News