Kooxaha kubadda cagta ee Soomaaliya oo dalbanaya doorasho xalaal ah (Aqri)

Ilaa 16 koox oo ka mid ah 25-ka koox ee xiriirka u diiwaan gashan ayaa ka gadoodsan qorshaha madaxda xiriirka ee ah in la qabto doorasho qudbo siro ah.

Kooxaha oo shalay shir yeeshay ayaa dalbanaya doorasho caddaalad ah.

9-ka koox ee shirka aanan imaan ayaa waxaa milkiyaddooda leh guddoomiyaha iyo ku-xigeenkiisa ee waqtigooda dhammaaday.

Madaxda xiriirka ugu sarreyso ayaa diyaarsaday shakhsiyaadka doorshada qarsoodiga ah kusoo bixi lahaa oo lagu qeybsaday qaab qabiil taas oo ay kooxaha gadoodsan ay diiddan yihiin.

Wasaaradda isboortiga oo laga rabay in ay si caddaalad ah arrintan u gasho ayaa la safan madaxda xiriirka oo la rumeysan yahay in la laaluushay.

Madxda xiriirka oo waqtigoodu ku ekaa bishii August ayaa waxaa kasoo horjeeda dhammaan bahda isboortiga.

Guddoimiyaha ayaanan oggoleyn doorasho furan, iyadoo dastuurka uu qortay uu dhigaayo in qof aanan madaxda xiriirka ka tirsaneyn uusan isa soo sharrixi karin.

Maamullada isboortiga ee maamul goboleedyada ayaa sidoo kale hadda baraarugay iyagoo doonaya doorasho guud maadaama xiriirku u taagan yahay magaca jamhuuriyadda Soomaaliya.

Dhowaan waxaan soo gudbin doonaa wareysiyo aan la yeelannay kooxaha doonaya in doorasho sax ah la qabto.

Madaxda xiriirka ayaa isku dayaya inay lacago u qeybiyaan kooxaha ku kacsan ee aanan ahayn kooxaha ay iyaga milkiyaddooda leeyihiin.

Ibrahim Gedow Awale
Injineerka14@gmail.com