Kooxda Ahmed Massoud ee DAGAALKA ku iclaamiyey ururka Taalibaan oo hadda sheegay inay doonayaan…

Panjshir (Caasimada Online) – Ciidamadii hore ee dowladda Afghanistan ee billaabay muqaawamada ka dhanka ah kooxda Taalibaan ayaa isku diyaarinaya “dagaal daba dheeraada,” balse waxay sidoo kale diyaar u yihiin wada-xaajood, sida uu sheegay afhayeen u hadlay. 

Tan iyo markii Taalibaan ay xukunka la wareegeen, kumanaan qof ayaa gaaray Dooxada Panjshir, si ay u helaan aag ay ku bad-baadaan uguna biiraan dagaalka, sida uu sheegay Ali Maisam Nazary .

Waxaa halkaas ku sugan Ahmed Massoud, oo ah wiilka taliyihii caanka ahaa ee Mujaahidiinta Afghanistan Ahmed Shah Massoud, oo ay dileen Al-Qacida, laba maalmood ka hor weerarkii September 11, 2001.

Sida uu sheegay Nazary, Ahmed Massoud ayaa halkaas ku diyaariyey dagaal-yahano dhan 9,000 oo askari, inkasta oo aan si madax-banaan loo xaqiijin karin tiradaas.

Kooxdan oo la baxday Jabhadda Iska-Caabinta Qaranka (NRF), ayaa sheegtay in ahmiyaddeeda koowaad ay tahay in laga fogaado dagaal dhiig badan uu ku daato, ayna doonayaan nidaam cusub oo dowladeed. 

Hase yeeshee Nazary ayaa sheegay in kooxda ay isku diyaarisay dagaal, islamarkaana haddii Taalibaan aysan wada-xaajood gelin, ay wajihi doonaan muqaawamo ka dhacda dalka oo dhan. 

“Shuruudaha nabad aan la galno Taalibaan, waa in dowladda laga dhigaa mid aan hal meel laga xukumin, iyo nidaam xaqiijiya cadaaladda bulshada, sinnaanta, xuquuqda iyo xoriyadda dadka oo dhan,” ayuu yiri Nazary oo ah madaxa xiriirka arrimaha dibedda ee kooxda NRF.

Waxa uu yiri in haddii aysan Taalibaan middaas aqbalin uu jiri doono “dagaal daba-dheeraada.”

Inkasta oo Taalibaan ay gacanta ku hayaan inta badan dalka, Nazary waxa uu sheegay in maleeshiyo ku sugan meelaha qaar ay billaabeen iska caabin, islamarkaana ay xulufo la sameysteen kooxda NRF ee uu hoggaamiyo Massoud.

“Taalibaan ma joogi karaan meel kasta, kheyraadkooda waa xadidan yahay. Ma haystaan taageerada aqlabiyadda,” ayuu yiri. 

Ahmed Massoud ayaa dhowaan sheegay in ciidamadiisa ay diyaar u yihiin inay qaadaan iska caabin wax ku ool ah, wuxuuna Mareykanka ugu baaqay inay hub iyo rasaas siiyaan maleeshiyadiisa.

Faallo uu Arbacadii ku qoray wargeyska Washington Post ayuu Ahmed Massoud ku yiri “Mareykanka wuxuu weli hub weyn u noqon karaa dimoqraadiyadda,” isaga oo taageeraya maleeshiyadiisa.

“Waxaan maanta kasoo qorayaa Dooxada Panjshir, waxaan diyaar u ahay inaan qaado raadkii aabahey, aniga oo haysta muajaahidiin diyaar u ah inay mar kale ka hortagaan Taalibaan,” ayuu yiri.

Isaga oo rajeynaya inuu raaco “raadkii aabnihiis” ayaa Massoud waxa uu sheegay inay kusoo biireen xubno ka mid ah ciidamadii gaarka ahaa ee Afghanistan “oo ka niyad jabay is-dhiibitaanka taliyayaashooda.”