Kooxda Kata’ib Xizbullah oo iclaamisay howl-gallo laga fuliyo gudaha Sacuudiga

Baghdad (Caasimada Online) – Mas’uul sare oo ka tirsan maleeshiyaadka Kata’ib Xizbullah ee dalka Ciraaq ayaa ku baaqay in howlgallo jihaadi ah laga fuliyo Sacuudi Carabiya, isagoo sheegaya in weerarro Sacuudiga dhexdiisa ah keliya ay meesha ka saari karaan qoyska boqortooyadda ee reer Al-Sacuud iyo haraagooda, sida ay baahisay wakaaladda wararka Iran ee Fars.

Kata’ib Xizbulalah waa maleeshiyo awooda badan oo sida militariga oo kale u tababaran, taasi oo ay taageerto Iran.

Abu Cali Al-askari, oo ah afayeenka kooxda Kata’ib Xisbullah, ayaa hadalkaan ku baahiyay aaladda Telegram ka, isagoo weerarkii gantaalaha iyo drone ka ahaa ee lagu qaaday warshadaha Shidaalka Sacuudiga tusaale uga dhigay weerarada la doonayo in Sacuudiga lagu qaado.

Sacuudiga aya weerarkaasi waxaa uu ku eedeeyay Iran, laakiin Iran waxay sheegtay in weerarka ay qaadeen Xuutiyiinta Yemen.

Afayeenka kooxda Kata’ib Xizbullah ayaa Dowladda Ciraaq iyo kooxaha kale waxaa uu ugu baaqay in ay beegsadaan Maxamed bin Salmaan, waxaana uu qoyska boqortooyadda la bar-bar dhigay kooxda Daacish.

Hadalkaani waxaa uu soo baxay kadib markii la dusiyay cod ay ku wada hadleen Wasiirka Arrimaha Dibadda Cumaan Yusuf bin Alawi iyo hogaamiyihii hore ee Libya Mucamar Al-Qadafi kaasi oo bin Alawi uu Qadaafi ugu sheegayay in 40,000 oo qof oo u dhashay Sacuudiga ay ka howl galaan Ciraaq. Codkaan waxaa la sheegay in la duubay 10 sano ka hor.

Sida uu baahiyay TV-ga Al-Carabiya, codka waxaa la duubay iyadoo ay Qadaafi iyo bin Alawi ay ka tashanayeen qorshe Sacuudiga loogu kala qaybinayo wadamo yar yar, islamarkaana ay ku qiyaaseen in doorkii qoyska boqortooyada uu dhamaaday.

Codka waxaa la sheegay in ay baahiyeen mucaaradka Cumaan ee Dhofar oo  ay suurtagal tahay in ay ka heleen Qatar oo isku dayeysa in ay wiiqdo xiriirka u dhexeeya Sacuudiga iyo Cumaan, sidaas waxaa Al-Carabiya u sheegay ilo-wareed aan la magacaabin oo jooga Khaliijka.

Sabtigii, Dowladda Sucuudiga ayaa ku dhawaaqday in safiirkeedii Ciraaq uu dib u shaqo bilaabayo sida ugu dhaqsiyaha badan, kadib kulan dhex maray Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ciraaq, wasiirla maaliyadda, sii-hayaha wasiirka shidaalka iyo saraakiil ka socday Dowladda Sacuudiga.