Xidig oo shaaciyey inay furayaan dacwad ka dhan ah Madeira kadib ‘gefkii uu u gaystay’ beel Soomaaliyeed

Kismaayo (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdirashiid Xidig, oo ka mid ah siyaasiyiinta is-beddel doonka Jubaland ee la heshiiyey Axmed Madoobe, ayaa sheegay inay furi doonaan gal dacwadeed ka dhan ah wakiilka Midowga Afrika u qaabilsan Soomaaliya Francisco Madeira.

Cabdirashiid Xiddig ayaa sheegay in Madeira uu khudbaddii uu ka jeediyey shirkii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya uu ugu gafay beel Soomaaliyeed.

Madeira, oo sidoo kale ah madaxa howl-galka Amisom, ayaa heshiiskii uu Axmed Madoobe la gaaray qaar ka mid ah xubnihii kasoo horjeeday ku qeexay “heshiis hoosaad qabiil.”

“Jublanad, waxaan la soconnaa in isbeddelo ay ka jireen dhowaan, ayada oo hogaamiyaha Jubaland iyo xubnaha mucaaradka beesha Ogaadeen ay gaareen heshiis la isku aqoonsaday waxna lagu wada wadaagay,” ayuu Madeira ku yiri hadalkii uu ka jeediyey kulankii Golaha Ammaanka ee Arrimaha Soomaaliya.

Cabdirashiid Xidig ayaa dhanka kale ugu baaqay dowladda Federaalka inay dalka ka saarto Wakiilka Midowga Afrika, isaga oo ku eedeeyey inuu Arrimaha gudaha ee Soomaaliya uu faragalin ku hayo.

Axmed Madoobe ayaa 23-kii April waxa uu Nairobi ku heshiiyey Cabdinaasir Seeraar Maax, Cabdirashiid Xidig iyo Daahir Axmed Sheekh oo dhammaantood ay isku beel yihiin, kuwaas oo u aqoonsaday madaxweynaha Jubaland, kana haray sheegashadoodii xilkaas.

Xisbiyada mucaaradka Soomaaliya ayaa horey ugu eedeeyey Madeira inuu ku milmay siyaasadda gudaha Soomaaliya, isaga raali ka noqday in dowladda federaalka ay adeegsato ciidamo Itoobiyaan ah oo aan ka tirsaneyn Amisom.

“Xadgudubyada la iska indho-tiray ay ciidamada Itoobiya ku hayaan madax-banaanida iyo sharafta dhuleed ee Soomaaliya waxaa qeyb ahaan mas’uul ka ah guul-darrada wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, kaasi oo laga rabay inuu xaqiijiyo in sumcadda Amisom aysan waxyeeleyn damac juqraafi siyaasadeed ee xubin ka mid ah,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xisbiyada mucaaradka, 21-kii May.