CC Shakuur: Haddii 4 nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsan

Muqdisho (Caasimada Online) – Siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa ka digay isku day muddo kororsi oo uu sheegay in dowladda federaalka ay waddo, kaasi oo wada-hadalladiisa ay ka socdaan Villa Somalia.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa qoraal uu soo dhigay facebook waxa uu ku yiri “Maalmahan Villa Somalia waxaa ka socda kulammo u dhexeeya afar nin oo muddo xileedkoodii dhammaad ku dhow yahay. Waxay isku sheegeen in ay muddo kororsi sameystaan, Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinkuna u xalaaleeyo.”

Cabdiraxmaan Cabdishakuur ma uusan magacabaain afarta nin, hase yeeshee waxaa la rumeysan yahay inu yihiin madaxweynaha, ra’iisul wasaaraha iyo guddoomiyeyaasha labada Aqal.

Cabdiraxmaan ayaa intaas ku daray “Madaxweynaha oo arrinkaan hormuud u ah ayaa la waydiiyey sidee muddo kororsi ku dhacayaa iyadoo ay gobolladii iyo xisbiyadii mucaaradka diidan yihiin. Wuxuu ku jawaabay hadii aan afateenaan iyo adeer Madeira isku raacno cid kale looma baahna.”

Waxa uu qoraalkiisa kusoo geba-gebeeyey “Haddii dalkaan afar nin iyo adeerkood xukunka xoog ku qabsan karaan Ilmo Dahabo Toolmoon ayaa laga warsanayaa. Ee Soomaaliyey haddii afartaas nin Dastuur iyo doorasho diidaan sow la mid maaha ‘Juxihii laantii uu saarnaa jarayey’”.

Cabsida laga qabo muddo kororsiga iyo digniinaheeda ayaa soo socday in ka badan sanad, waxaase hadda muuqata in wixii laga digayey ay dhab ku dhow yihiin, lana filayo in dhammaan muddooyinkii loo qabtay guddiyada doorashada ay ka dib dhacaan inay kusoo gudbiyaan qorshahooda doorashada dalka.