25.2 C
Mogadishu
Friday, January 2, 2026

Kooxo hubeysan oo xalay nin caan ku dhaawacay magaalada Muqdisho

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) Kooxo hubeysan ayaa xalay fiidkii waxa ay degmada Dharkenley ee magaalada Muqdisho ku dhaawaceen nin caan ka ah halkaas.

Goobjoogayaal ku sugan xaafadda Ceel-dheere ayaa Caasimada Online u sheegay kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidanka dowladda Soomaaliya in ay dhaawaceen Cali Shiine oo ah nin matoor ku leh xaafadaas isla markaana caan ah.

“Xalay fiidkii ayaa kooxo hubeysan oo xirnaa dharka ciidamada dowladda waxa ay xaafadda Ceeldheere ku dhaawaceen Cali Shiine oo ah nin xaafadda caan ka ah, dhaawiciisa waxaa loo qaaday Isbitaal Madiina, waxa ay ka rabeen in ay ka dhacaan taleefon gacanta oo uu watay” ayuu yiri qof goobjooge oo u warramay Caasimada Online.

Dadka xaafadda ayaa dhacdadan ka naxay, waxaana ay sheegeen in habeenamadii la soo dhaafay kooxo hubeysan dad ku dhaceen xaafaddaas.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhacdooyin noocan oo kale ay ka dhacaan xaafadaha magaalada Muqdisho, mana jirto cid wax ka qabaneysa.

Caasimada Online

Xafiiska Wararka Muqdisho

[email protected]

 

 

- Advertisement -

Read more

Local News