Tehran (Caasimada online) Wasiir ku xigeenka warshadaha Iran ayaa la sheegay inay dileen kooxo hubeysan oo aan la garanaynin.
Safdar Rahmatabadi oo ah wasiir ku xigeenkii warshadaha Iran ayaa la sheegay in gaari uu ku waday fagaaraha Sabalan e caasimada Tehran gelinkii dambe ee shalay markii la dooganayay waxaana rasaaska marqura ay kaga dhacday madaxa iyo xabadka, sida wakaalada wararka qaranka Iran ay baahisay.
Sarkaal booliska ka tirsan ayaa u sheegay wakaalada in dadka weerarka qaaday ay u muuqdeen inay saarnaayeen gaariga wasiir ku xigeenka ayna la hadleen ka hor inta aysan rasaasta ku furin.
Lama hayo xaqiiqo iyo faahfaahin ku aadan sababta loo bartilmaameydsaday wasiir ku xigeenka warshadaha dalka Iran.
Booliska ayaana sheegay inay bilaabeen baaritaan arintaasi lagu ogaanayo, iyadoo aysan jirin koox sheegatay inay ka dambeysay dilka wasiir ku xigeenki warshadaha dalka Iran.
Dilka masuuliyiinta ayaa ah mid aan ku cusbeyn dalka Iran, waxaana sidoo kale dilal kale oo horay loogu geystay dadka sida aad u yaqaana Saynis-ka iyo arimha hubka Nuclear-ka.
Horaantii bishaan qaadi iyo wadahiisii gaariga ayaa lagu dilay gobolka Sistan Baluchistan, oo ku yaala xuduuda dalalka Afhganistan iyo Pakistan.
Wasiirka ku xigeenka warshadaha ee dalka Iran ee la dilay ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay dowladii Mahmoud Ahmadinejad.
Toogashada wasiirka ayaa kusoo beegantay, iyadoo dowlada Iran ay wadahadal kula jirto lix dowlad ee u quwada weyn dunida oo ay ka wadahadlayaan arimaha hubka nuclear-ka Iran.
Kulamada nabadeed ee Geneva ayaa waxaa lagu soo jeediyay in la yareeyo cunuqabateynta saran dowlada Iran.
Maamulka Yahuuda Israel oo horay Iran ay ugu hanjabeen dhanka amaanka ayaa kasoo horjeesaday wahadalada ka dhacay Geneva.
Caasimada Online
Xafiiska Tehran