Ku-dhaqanka shareecada Islaamka oo maanta ka billaabatay dalka Brunei

Brunei (Caasimada Online) – Midowga Yurub ayaa maanta cambaareeyey shareecada Islaamka ee maanta ka dhaqan gashay dalka Brunei, oo uu sheegay in ciqaabta “arxan-darrada ah” ee sharciga uu ogolaanayo ay ka dhigan tahay jirdil iyo jebinta heshiisyada caalamiga ah ee xuquuqda aadanaha.

Sharcigan oo dil ku xukumaya dadka isku jinsiga ah ee isu galmooda, kuwa ku kaca zinada, iyo in gacanta laga gooyo qofkii xatooyo sameeya, ayaa cambaareyn xooggan kala kulmay caalamka.

“Qaar ka mid ah ciqaabta uu sharcigan ogolaanayo ee dambiyada qaar waa jir dil, ficil arxan-darro, wax ka baxsan bani’aadannimada iyo dhaqan liiditaan ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay afhayeenka Midowga Yurub.

Bayaanka ayaa lagu sheegay in ciqaabaha uu sharciga ogolaanayo ay jebinayaan xeerarka QM ee ka dhanka ah jirdilka, oo Brunei ay saxiixday ilaa sanaddii 2015.

“Waa muhiim in Brunei-Darussalam ay xaqiijiso in fulinta sharcigan uusan ka hor-iman xuquuqda aadanaha, islamarkaana uu waafaqaa dhammaan waajibaadka caalamiga ah iyo kuwa goboleed ee xuquuqda aadanaha oo ay Brunei-Darussalam qaadatay” ayaa lagu yiri bayaanka Midowga Yurub.

Brunei, oo ah boqortooyo uu muddo 51 sano ah xukumayey Sultan Hassanal Bolkiah, ayaa sheegtay in ku dhaqanka shareecada Islaamka ay dalkaas ka billaabatay maanta

Brunei, oo ku taalla Koonfur Bari Asia, ayaa markii ugu horreysay sharcigan ku dhowaaqday sanaddii 2013, hase yeeshee fulintiisa ayaa waxaa dib loo dhigay dhowr mar, kadib markii ay si aad ah u mucaaradeen kooxaha xuquuqda aadanaha.

Sharciga ayaa qoraya in xukun dil ah lagu fuliyo dadka gaysta ficillada ay ka midka yihiin kufsiga, zinada, galmada laga sameeyo wixii ka baxsan xubinta taranka ragga ama dumarka, dhaca, iyo aflgaadeynta nebi Muxamed nabad-galyo iyo naxariis korkiisa ha ahaatee.

Waxa uu sidoo kale sharciga qorayaa in la karbaasho dumarka iska rida ilmaha iyo in gacan laga gooyo dadka ku kaca xatooyada.

Sharciga ayaa dhinaca kale dhigaya dambi tahay in caruurta dalka Brunei lagu bar-baariyo diin aan ahayn tan islaamka.

Sharcigan ayaa Brunei ka dhigaya dalka kaliya ee Bariga ama Koonfurta Bari ee Asia ee si heer qaran u dhaqan-geliya ku dhaqanka shareecada Islaamka, wuxuuna ku biirayaa dhowr dal oo badankood ku yaalla Bariga Dhexe, sida Sacuudi Carabiya, oo shareecada looga dhaqmo.

Xigasho: VOA