Arag: Ismaciil Cumar Gelle oo Muuse Biixi usoo diray warqad xasaasi ah oo dalab adag uu ku qoran yahay

Hargeysa (Caasimada Online) – Xog ay Caasimada Online heshay, ayaa sheegaysa in xukuumada Somaliland ee uu hogaamiyo Muuse Biixi ay aqbashey warqad ay u soo gudbisay dowlada Jabuuti, taasi oo aheyd in Hargeysa laga furo Dacwad ka dhan ah Ganacsade caan ka Somaliland.

Sida ay sheegayso xogta ay heshay Caasimada Online, Madaxweyne Geelle ayaa warqadan Xukuumada Biixi kaga dalbaday in xayiraad lagu soo rogo hantida Ganacsade Axmed Cismaan Geelle, inta ay dacwadu ku socoto.

Waxaa ogolaaday warqadan oo ku qorneed Afka Faransiiska, oo shaabadeysay Wasaarada Arrimaha dibada Somaliland, waxaana shaabada ugu dhuftey Agaasimaha Guud ee wasaaradaasi.

Warqadan waxaa iyaduna sidoo kale ogolaatey Wasaarada Cadaalada Somaliland, waxaana qalinka ugu duugay una shaanbadeeyay Agaasimaha guud ee wasaarada cadaalada.

Geesta kale, Warqadan waxa iyaduna canshuurtay xeer ilaalinta Somaliland, oo ku dhejisay juwanka Canshuur qaadista ee dacwada lagu dhejiyo.

Si kastaba, Waxaa halkaa ka cad in warqadan dowladda Jabuuti ka timid ee dacwada ah ay xukuumada Biixi aqbashey, balse ilaa hadda aysan jirin wax waaran qabasho ah oo ay u jartay ganacsade Axmed Geelle.

Halkan hoose ka akhriso warqada iyo shaabadaha ku yaalla