MUUDEY oo laalay dib u habayntii dastuurka DF iyo Qeybdiid oo u jawaabay

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha shacabka Soomaaliya oo ka hadlayay kulanka maanta ayaa sheegay in dastuurka Soomaaliya uusan dhameystirmeyn inta ay Somaliland maqan tahay.

C/Wali Sheekh Muudey ayaa la siiyay hadal kooban, waxaana uu hadalkiisa xoogga ku saaray howlaha dastuurka iyo dib u eegista ku socota.

Muudey ayaa sheegay in Caqabadaha haysta Dastuurka Soomaaliya,  ay ka mid tahay Somaliland in aan lagu xusin warbixinta, islamarkaana wax wada tashi ah aan lala sameynin.

Waxaa uu sheegay in loo baahanyahay in Somaliland ka mid noqoto howlaha dastuurka Soomaaliya markaasna uu noqdo dastuur loo dhanyahay.

Xuseen Carab Ciise oo ah Xildhibaan ka soo jeeda Somaliland ayaa madasha ka sheegay in Dastuurka uusan sax noqoneyn inta ay Somaliland maqantahay.

Waxaa labada Xildhibaan u jawaabay Guddoomiyaha Guddiga dib u eegista Dastuurka Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo sheegay in dastuurka uu sax noqonayo marka afti dadweyne loo qaado kaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com