Mursal oo amar cusub soo rogay, waqtina u qabtay qodobkii lagu muransanaa

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Mursal C/raxmaan ayaa maanta daah furay kulanka baarlamanka, oo baaqday labadii maalin ee ugu dambeysay baaqday, wuxuuna waqti u qabtay ka hadalka qodobka amniga ee lagu murunsanaa.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa hadal u jeediyay xildhibaanada baarlamaanka, iyadoo kadib la gudo galay dhageysiga warbixinta ay gudbiyeen guddiga dib u eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha baarlamaanka ayaa jeediyay khudbad uu kaga hadlayay howlaha horyaala baarlamaanka iyo waqtiga harsan, waxaa sidoo kale uu soo hadal qaday baaqashadii kulamadii u dambeeyay oo kooram la’aan noqday.

Mursal ayaa sheegay in Maalinta Sabtida ah ee socoto Xildhibaanada Golaha Shacabka ay ka doodi doonaan Xaaladda Ammaan ee dalka oo maalmihii lasoo dhaafay faraha ka baxday.

Ku dhawaad 20 Xildhibaan ayaa dhawaan saxiixay Mooshin ay ku dalbanaayeen in si deg deg ah Golaha Shacabka ay kaga doodaan Ammaan dalka si loola xisaabtamo Xukuumadda Soomaaliya.

Dhinaca kale wararka aan heleyno ayaa sheegaya in guddoomiyaha baarlamaanka uu amray in warbaahinta aysan goobjoog ka noqon doonin kulanka maalinta Sabtida dhacaya.

Kulanka sabtida looga hadli doon arrimaha amaanka ayaa xooga lagu saari doonaa amaanka caasimada Soomaaliya, waxaana soo jeediyay 17 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com