Ku dhawaad 10 Soomaali ah oo lagu dilay ITOOBIYA

Addis Ababa (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay weerar lagu dilay dad Soomaali xoolo dhaqata ah, kaas oo ka dhacay dalka Itoobiya, gaar ahaan webi mara dhulka deegaanka Canfarta ee waddankaasi.

Wararka ayaa sheegaya maleeshiyaad ka soo jeeda in Qowmiyadda Canfarta ay weerar ku qaadeen xoolo dhaqata Soomaali ah, kadibna ay halkaas ku dileen illaa 7 qof oo rayid ah.

Dadka la dilay oo dhammaantood ahaa xoolo dhaqato ayaa ku sugnaa deegaanka Hilada Qoorka oo ku dhow Webiga Awash, halka dhowr qof oo kalena lagu dhaawacay.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi ku daraya in kooxda weerarka fulisay ay dhaceen xoolo fara badan oo gaaraya illaa afar kun oo neef.

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay maamullada labada dhinac oo ku aadan weerarkaasi lagu beegsaday Soomaalida, balse xaaladda ayaa ah mid kacsan.

Ujeedka maleeshiyaadka Canfarta ayaa ah inay qabsadaan dhammaan deegaanadaasi, waxayna horey gacanta ugu dhigeen magaalooyin ay ku sugnaayeen Soomaalida.

Weerarkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii la soo dhaafay ay socdeen deldaallo lagu dhex-dhexaadinayo colaadda labada qowmiyadood oo muddo fog soo socotay.

Si kastaba dagaalladan ayaa ah kuwa soo noq-noqday, kadib markii maleeshiyaadka Canfarta ay kordhiyeen weerarada ay ku hayaan Soomaalida ku dhaqan halkaasi.