28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Ku dhawaad 100 qof oo laga soo badbaadiyay xarun ku taal Muqdisho kadib markii…

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Faah-faahinno dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dab khasaare hantiyeed gaystay oo xalay ka kacay xarun ku taalla magaalada Muqdisho, iyadoo laga soo badbaadiyay ku dhawaad 100 qof.

Dabka ayaa si gaar ah uga kacay xarun dadka Qur’aanka lagu saaro oo ku taalla degmada Hodan, gaar ahaan xaafadda Al-Baraka, taas oo lagu magacaabo Gargaar, halkaas oo habeennadii xalay uu qabsaday dab xooggan.

Howlgal saacado kooban qaatay oo ay sameysay waaxda gurmadka degdegga ah ee Gobolka Banaadir ayaa lagu soo afjaray dabka, iyada oo sidoo kale gurmad caafimaad u fidisay dadkii xanuunsanaa ee ku jiray xaruntaasi.

Sidoo kale, waxaa lagu guuleystay in goobta laga soo saaro ku dhowaad 100 qof, oo ay ku jiraan dad qaba xanuunnada dhimmirka, sida ay muujinayaan sawirro lagu baahiyay baraha bulshada ee Internetka.

Dabka oo xoogganaa ayaa la xakameeyay, waxaana laga hortegay inuu kusii fido guryaha ku dhow xarunta uu qabsaday oo ku taalla aagga Al-Baraka.

Xaaladda ayaa haatan deggan, waxaase xarunta Qur’aan saarka ee Gargaar laga dareemayaa saameynta dabka, iyadoo saaka ay is taagtay shaqadii, maadaama uu dabka gubay qaybo badan oo kamid ah dhismaha xarunta.

Si kastaba, ha’ahaatee gubashada goobaha ganacsiga iyo xarumaha kale ee ku yaal caasimada ayaa marar badan soo laa laabatay, dowladduna ma baarto sababta oo celcelisa dabkan oo gaystay khasaare hantiyeed oo xooggan.

- Advertisement -

Read more

Local News