28.8 C
Mogadishu
Friday, April 17, 2026

Sweden oo DF siineysa malaayiin dollar oo lagu xiray shuruudda kiis xasaasi ah

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Stockholm (Caasimada Online) – Dowladda Sweden ayaa Talaadadii shaacisay istaraatiijiyad cusub oo saddex sano ah oo ay ku taageereyso horumarinta Soomaaliya, taas oo qiimaheedu yahay 630 milyan oo karoon, ama ku dhowaad $65 milyan, iyadoo xirmadan si cad loogu xiray ujeeddo cusub oo la xiriirta socdaalka.

Istaraatiijiyaddan cusub, oo socon doonta muddada u dhaxeysa 2026 illaa 2028, waxay diiradda saari doontaa dhisidda hay’ado dowladeed oo xooggan, xoojinta u adkeysiga dhibaatooyinka iyo masiibooyinka, iyo abuurista nolol-maalmeed wanaagsan oo lagu gaarayo shaqo abuur, ganacsi iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga, sida ay dowladdu sheegtay.

Si kastaba, wasiirrada Sweden waxay sidoo kale si cad u muujiyeen in qorshahan uu leeyahay ujeeddo siyaasadeed oo ka ballaaran horumarinta, iyadoo Stockholm ay sheegtay in qaabkan cusub uu si dhow isugu xiri doono iskaashiga horumarinta iyo siyaasadda socdaalka.

“Sweden waxay dooneysaa inay taageerto horumarka muddada dheer ee Soomaaliya,” ayuu Wasiirka Iskaashiga Horumarinta Caalamiga ah iyo Ganacsiga Dibadda, Benjamin Dousa, ku yiri bayaan.

“Istaraatiijiyaddan waxaan ku qeexeynaa jihada taageeradeena. Waxay ku saabsan tahay ka qeyb qaadashada dhismaha dowladnimada, horumarinta dimoqraadiyadda, iyo kobaca dhaqaalaha iyadoo loo marayo shaqo abuur, hal-abuur ganacsi iyo ganacsi. Taasi waa waxa lagama maarmaanka u ah in dal uu gaaro barwaaqo sii kordheysa,” ayuu yiri.

“Waxa kale oo istaraatiijiyaddan ku jira ujeeddo cusub oo la xiriirta socdaalka, taas oo muhiim u ah Sweden.”

Go’aankan ayaa ka dhigan in Soomaaliya ay sii ahaaneyso mid ka mid ah dalalka ay Sweden si toos ah uga taageerto dhinaca gargaarka laba geesoodka ah, xilli dowladda midigta-dhexe ah ay yareyneyso isla markaana dib u qaabeyneyso siyaasaddeeda guud ee horumarinta, iyadoo xoogga saareysa ganacsiga, kobaca dhaqaalaha, maareynta socdaalka iyo dib u celinta muhaajiriinta.

Hay’adaha Sida iyo Folke Bernadotte Academy ayaa fulin doona istaraatiijiyaddan.

Qodobka socdaalka

Xirmada taageerada ee Soomaaliya waxay ka tarjumeysaa isbeddel ballaaran oo ku yimid siyaasadda gargaarka Sweden intii ay jirtay dowladda hadda talada haysa, taas oo ku doodeysa in kharashaadka horumarinta ay tahay in si ka wanaagsan loogu waafajiyo danaha siyaasadda arrimaha dibadda ee Sweden.

Sanadihii u dambeeyay, Stockholm waxay ka guurtay istaraatiijiyado ballaaran oo muddo dheer ah oo dalal gaar ah loogu talagalay, iyadoo doorbideysa yoolal kooban oo si gaar ah loo beegsaday. Sidoo kale waxay si weyn u xoojisay diiradda lagu saarayo isku filnaanshaha, kobac waara iyo maareynta socdaalka.

Bayaanka dadweynaha loo soo saaray si faahfaahsan uma sharxin ujeeddada cusub ee socdaalka Hase yeeshee, waxaa horey u jiray shuruudo Sweden ay ugu xirtay gargaarkeeda oo ah in Muqdisho ay aqbasho Soomaalida aan sharciga haysan ee dib loogu soo celinayo dalka.

Istaraatiijiyadda ayaa leh muhiimad siyaasadeed oo weyn, maadaama ay muujineyso in Sweden ay dooneyso in iskaashigeeda Muqdisho uusan ku koobnaan kaliya baahiyaha horumarineed ee Soomaaliya, balse uu sidoo kale taabto walaacyada Sweden ee ku saabsan socdaalka sharci darrada ah iyo dib u celinta dadka.

Dowladdu waxay sheegtay in istaraatiijiyaddan cusub ay abuuri doonto isku xirka iyo is-waafajinta u dhaxeysa gargaarka iyo siyaasadda socdaalka, taas oo muujineysa sida kaalmada horumarinta ay si isa soo taraysa uga mid noqoneyso ajandaha guud ee siyaasadda dowladda.

Magnus Berntsson, oo ah afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Christian Democrats, ayaa sheegay in iskaashigan uu ka caawinayo Soomaalida inay “gacanta ku dhigaan noloshooda, ka baxaan saboolnimada, isla markaana helaan waddo ka fog dagaal, colaad iyo xagjirnimo.”

“Iskaashigu waa inuu noqdaa mid labada dhinacba ay mas’uuliyad cad iska saaran tahay, halka arrimaha socdaalkana si wax dhisaya loo maareynayo,” ayuu yiri.

Fredrik Malm, afhayeenka siyaasadda arrimaha dibadda ee xisbiga Liberals, ayaa isna sheegay in Soomaaliya ay weli wajahayso caqabado waaweyn, islamarkaana taageerada Sweden ay weli tahay mid muhiim ah.

“In diiradda la saaro kobaca dhaqaalaha, ganacsiga iyo horumarinta dimuqraadiyadda waa arrin muhiim u ah in dalku si xooggan ugu istaago  

- Advertisement -

Table of contents [hide]

Read more

Local News