Kulamadii siyaasadeed ee ka socday Muqdisho oo la isku raacay saddex qodob

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maalmihii tagay magaalada Muqdisho ka socda wada-tashiyo iyo kulamo u dhaxeeyey madaxda maamul goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta.

Kulamadan oo bilowday markii uu caasimadda yimid madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe ayey musharaxiinta sidoo kale si gaargaar ah ama si guud ula kulmeen madaxweyneyaasha maamul goboleedyada kale sida Puntland Saciid Deni, Galmudug Axmed Qoorqoor iyo HirShabelle Cali Guudlaawe.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in laga dooday qodobbo badan oo ku saabsanaa xaaladda dalka gaar ahaan arrimaha doorashada iyo sidii horay loogu socon lahaa, kadibna la isku afgartay saddex qodob oo kala ah:

Qabsoomidda shirka: Si shirka doorashada aanu u fashilmin, Midowga musharaxiinta ayaa ku guuleystay iney u kala dab qaadaan labada garab ee maamul goboleedyada, iyaga oo ku qanciyey in meesha laga saaro kala shakinta iyo doodda la geliyey meesha uu shirka ka dhacayo iyo dhex-dhexaadinta beesha caalamka, horayna loo socdo. Waxaana lagu heshiiyey in shirka uu ka dhaco Afisyooni, iyada oo ay kasoo qeyb galayaan dhammaan dhinacyada maamul goboleedyada.

Si kastaba, ma cadda haddii madaxweynayaasha taabacsan Farmaajo ee Guudlaawe iyo Qoor Qoor ay ilaalin doonaan ballanta ay qaadeen, maadaama horey ay ballamo badan uga baxeen marka ay ka tageen musharaxiinta.

In Farmaajo laga wareejiyo amniga iyo doorashada: Waxaa shirarkaasi lagu heshiiyey in madaxweynihii hore Maxamed Cabdullahi Farmaajo uu wareejiyo maamulka amniga iyo doorashooyinka dalka, islamarkaana lasoo celiyo booliiska hore, oo ay doorashada kala shaqeeyaan AMISOM, xukuumadda Rooble iyo in madaxda maamulka goboleedyada ay qaataan kaalintooda arrimaha doorashada.

Waxaa kale oo la isku afgartay in Farmaajo uu saxiixo warqad uu ku laalayo awoodaha madaxweynaha ee hadda uu isticmaalo wixii ka dambeeyey February 8, markii uu muddo xileedka ka idlaaday.

Tanaasulka musharaxiinta: Midowga musharaxiinta ay ku war geliyey madaxda maamul goboleedyada in ay iska dhaafi karaa ka qeyb-galka shirka haddii cabashadooda miiska wada hadallada la geynayo, oo ay ka mid tahay in la ciqaabo taliyeyaashii ku lug lahaa weerarkii February 19, amniga doorashada iyo arrimo kale, sidoo kalena Farmaajo uu iska wareejiyey maamulka amniga iyo doorashada dalka, islamarkaana saxiixo warqad uu ku caddeynayo in muddo xileedkiisa dhammaaday oo aanu qaadan karin wax go’aano dastuuri ah.

Mucaaradka ayaa rumeysan inaysan sii cakirin xaaladda dalka ayaga oo ku adkeysanaya ka qeyb-galkooda shirka, waxaana ay ku kalsoon yahay, sida la sheegay in Axmed Madoobe iyo Saciid Deni ay matali karaan.

Isha: Goobjoog