24.5 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

XOG: Jawaari oo la kulmay wafti isugu jira Mareykan iyo Yurub + Ujeeddada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulamo kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya gaar ahaan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde iyo xarunta Villa Hargeysa.

Gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheikh Cismaan ayaa garoonka diyaaradaha ku qaabilay wafdi ka socda dowlada Mareykanka iyo safiiro ka socday wadamo ku yaala Yurub.

Wafdiga ka socday dowlada Mareykanka ayaa waxaa hogaaminayay wakiilka gaarka ee Mareykanka u qaabilsan arimaha Soomaaliya, waxayna Jawaari kulan saacado qaatay ku yeesheen garoonka Aadan Cadde.

Safiirada ka socday Wadamada Yurub ayaa la sheegayaa inay kala hadleen gudoomiye Jawaari arimaha hiigsiga cusub ee New Deal sanadka 2016.

Kulankaasi kadib gudoomiyaha baarlamaanka oo uu wehliyo ku xigeenkiisa koowad Mahad Cabdale Cawad ayaa xafiska Villa Hargeysa waxay ku qaabileen wakiilka gaarka ee QM u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay.

Waxay sidoo kale Villa Hargeysa ku qaabileen Safiirada Midowga Yurub, Denmark, Italy, Britain iyo Sweden, waxayna ka wada hadleen arimaha hiigsiga cusub ee 2016.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in arimaha ugu weyn ee lagala gudoomiye Jawaari ay tahaya arimaha khilaafka ka dhaxeeya madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha dalka.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News