28.6 C
Mogadishu
Friday, January 16, 2026

Dhageyso: Goodax Barre oo ka hadlay is-casilaaddii ay ka dalbadeen C/WELI

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho(Caasimada Online)- Iyadoo shalay xubno ka tirsan golaha wasiirada xukuumada Soomaaliya ay soo saaren warqad ay baaq is-casilaad ugu jeedinayaan wasiirka koowaad ee xukuumada Soomaaliya, ayaa arintaasi waxaa ka hadlay wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya.

C/laahi Goodax Barre, wasiirka arimaha gudaha xukuumada Soomaaliya ayaa sheegay inay ugu baaqeen ra’iisul wasaaraha Soomaaliya inuu iscasilo, isagoo u sababeeyay in loo baahan yahay xal buuxa oo laga gaaro khilaafka dheeraaday ee keenay in fikrado qaldan laga fasirto dalka Soomaaliya.

Wuxuu sheegay inaay wanaagsan tahay in dhankoosa uu tanaasul sameeyo mar haddii khilaafka dhexdooda uu saameyn weyn ku yeeshay howlaha dowlada Soomaaliya, sida fadhiyada ay yeelan jireen golaha wasiirada iyo xubnaha baarlamaanka Soomaaliya.

Mar la weydiiyay tiradooda rasmiga ayuu ku yeeshay inay gaarayaan 16 wasiir laakiin labo kamid ah ay ka maqan yihiin dalka oo ay ku saxiixeen 16 wasiir oo hadda ku sugan magaalada Muqdisho.

Waxaa sidoo kale wareysi uu siiyay VOA uu kaga hadlay khilaafkooda iyo saameynta uu ku yaalan karo shirka ka dhacaya magaalada Copenhagen ee dalka Denmark.

Hoos ka dhageyso wareysiga.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News