28.9 C
Mogadishu
Saturday, January 17, 2026

Xasan oo dhoofay & C/W oon sagootin

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha jamhuuriyada federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa barqanimadii maanta ka duulay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde, isagoo ku sii jeeda magaalada Cobenhegan ee dalka Denimarka.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehliyaan xubno ka tirsan golaha wasiirrada ayaa lagu wadaa in uu ka qeybgalo shirka ka firmidoona dalka Denimark 19-ka bishan, kaasoo looga hadlayo arrimo ku saabsan horumarka dalka.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay dowlada Denimark ayaa waxaa shir gudoomin doona madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, iyadoo shirka ay ka qeybgalayaan wadamada deeq bixiyaasha ah ee daneeya arrimaha Soomaaliya.

Dhanka kale, R/W C/weli ayaa ka haray Safarka uu goor dhow baxay Madaxweyne Xassan, taasi oo loo sababeynaayo Khilaafka iyo Mooshinada kadib markii C/weli uu ka cabsaday in inta uu safarka ku maqan yahay la sameeyo Abaabul lagu tuuraayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News