27.8 C
Mogadishu
Friday, May 1, 2026

Muxuu R/W Cabdi Weli ka yiri shirka uu ka qeybgalayo Madaxweyne XASAN?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Xukumadda Somalia C/wali Sheikh Axmed ayaa si adag uga hadlay go’aanka looga qeybgalaayo shirka ka furmaayo Magaalada Cobenhegan ee dalka Denimark.

R/W C/weli Waxa uu sheegay in Shirka 19-ka bishan ka furmidoona dalka Denmark uu yahay mid aan u dhameyn madaxda dalka ee matali laheyd Umadda Soomaaliyeed, waxa uuna Carabka ku dhuftay in marnaba shirkaasi uusan saameeyn ku yeelan karin Khilaafka kala dhexeeya Madaxweyne Xassan Sheekh.

R/W C/weli oo arrintaasi ka hadlaayay ayaa waxa uu yiri “Shirka 19-ka bishan ka furmidoona dalka Denmark Maadaama looga hadli doono arrimaha la xiriira Hormarka Somalia, waxaa Habooneyd in si Cadaalad ah loo qeybsado Ergada ka qeyb galeysa Shirka taasina ay ku imaan kartay wadatashi in laga yeesho balse nasiib daro madhicin”

Sidoo kale, hadalkaani kasoo yeeray R/W C/weli Sheekh Axmed, ayaa waxa uu muujinayaa walaaca ay Bulshada qaar qabeen oo aheyd in Khilaafka Xassan iyo C/weli uu saameyn ku yeelan karo Hanaanka ku aadan shirka ka furmaayo Dalka Denmark, kaasi oo looga hadli doono Baarmijka Hiigsiga Cusub ee New Deal.

Dhanka kale, R/W C/weli ayaa sheegay in Cadaalada dalka uusan qalqal galin doonin Hal iyo laba ruux oo caadeystay is hortaaga Hormarka dalka, waxa uuna hadalkiisa imaanayaa xili R/W C/weli uu ka biyo diiday inuu ka qeybgalo Shirka 19-ka bishan ka furmidoona dalka Denimark.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News