Kulamo xasaasi ah oo ka socda shirka Cadaado iyo ergooyin dacwado gudbiyay (WARAR cusub)

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka naga soo gaarayo Magaalada Cadaad ee Xarunta maamulka Ximan iyo Xeeb, ayaa sheegaya in halkaasi uu xiligaani ka socdo kulamo xasaasi ah oo u dhexeeya Ra’isul wasaaraha Xukuumada Somalia Cumar C/rashiid iyo Ergooyinka shirka.

Ra’isul wasaare Cumar ayaa la kulanka Ergooyinkaani bilaabay Habeenimadii xalay waxaana mar kale furmay goordhow kulanka si loo dhameystiro kulamada qabyada ahaa.

Odayaasha qaar ayaa iyagu la soo warinayaa in Ra’isul wasaaraha ay u gudbinayaan dacwado lidi ku ah Gudiga farsamada Maamul u sameynta G/Dhexe, kuwaasi oo lagu eedeynaayo isdaba-marin.

Sidoo kale, Ergada qaar ayaa waxa ay Ra’isul wasaaraha kala hadlayaan qodobo dhowr ah oo ay kamid yihiin Faragalinta DF ay ku heyso shirka, Ergooyinka beelaha qaar oo si awood ah looga dhex saaray kamid ahaanshahooda Erganimo iyo arrimo salka ku hayo Khilaaf hoosaadka ka taagan qaabka loo xareynaayo Ergooyinka.

Warar hoose ayaa sidoo kale sheegaya in Ra’iisul Wasaare Cumar C/rashiid uu kulamo ay al-baabadu u xiran yihiin la qaatay Beelo dhaliilsan qaabka uu u soconayo Shirka Maamul u sameynta Gobolada Mudug iyo Galgaduud oo Wajigiisii Labaad galay.

Inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn wax ka soo baxay Kulamada Ra’iisul Wasaaraha uu la yeeshay Odayaasha Tabashada qaba ayaa hadana wararku waxa ay sheegayaan in uu Jiro isku soo dhawaansho rajo leh.

Dhanka kale, waxaa rajo laga muujinayaa mirro dhalka shirka ka soconayo Magaalada Cadaado inkastoo ay weli jiraan caburin ay ka cabanayaan Ergooyinka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com