Wararkii ugu dambeeyay kulanka baarlamanka & mooshinka ka dhanka Jubbaland oo u muuqda…

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulanka ay lahaayeen xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa lagu soo waramayaa inuu maanta dib u dhac uu ku yimid markale, kadib markii uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Sheikh Cismaan Gudoomiyaha baarlamaanka dowlada Soomaaliya ayaa ku dhawaaqay baaqashada kulanka baarlamaanka ee maanta, kadib markii la waayay tirada kooramka baarlamaanka uu ku furmayo.

Gudoomiyaha wuxuu sheegay in xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya aysoo xaadiri waayeen kulanka maanta oo la doonayo in codka kalsoonida la siiyo mooshinka ka yaala Jubbaland.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow, ayaa in kulanka maanta dib u dhaciisa uusan keeni doonin iney ka laabtaan mooshinka laga gudbiyay qaab dhismeedka baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba.

Waa kulankii seddexaad oo u baaqda kooram la’aan, sida xildhibaanada qaar ay saxaafada u sheegeen.

Jubbaland waxaa lagu heystaa qaab dhismeedka baarlamaanka oo cabasho badan ay ka muujiyeen xildhibaanada iyo beelaha qaarkood ee kasoo jeeda Jubbooyinka iyo Gedo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com