DF Soomaaliya oo fariin xulus u dirtay Cabdi Iley kana hadashay dagaalka Liyu Boolis & Somalida

Cadaado (Caasimada Online) – Dowlada Federaalka Soomaaliya ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dagaalada ciidamada Liyuu boolis ay ka wadaan deegaano ku yaala gobolka Galgaduud ee bartamaha dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Maxamed Xuseen Odowaa, wasiirka arimaha gudaha Soomaaliya ayaa ka hadlay dagaalka ciidamada Liyuu boolis iyo dadka deegaanka u dhaxeeya ee ka dhacaya deegaanada dhanka xadka ku yaala ee Soomaaliya iyo Ethiopia.

Wuxuu ayaan daro ku tilmaamay in ciidamada Liyuu boolis ay dilal u geystaan dad Soomaaliyeed oo ku sugan duleedka degmada Guriceel ee gobolka Galgaduud, sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan rabaa in aan idin la wadaago shaqaaqooyinka iyo dhibaatooyinka ka taagan xuduudda galgaduud iyo xadka Ethiopia, waan isku daynay in aan la hadalno labada dhinac, waxaase ayaan darro ah in dadka wax dilay ay ahaayeen ciidamada Liyuu Boolis” ayuu yiri Wasiir Odowaa.

Ugu dambeyn wasiirka arimaha gudaha ayaa fariin u diray dadka ku dagaalamaya dhanka xuduuda Ethiopia uu Soomaaiya kala wadaago gobolka Galgaduudm taasi oo ku aadan in la joojiyaa dagaalada ka dhacaya dhanka xuduuda.

“Waxaan fariin u direynaa in dadka Soomaaliyeed dhiigooda la badbaadiyo, dabcan dadka xoolo raacatada ah ee xuduudaha mar waliba u gudba, hadda qeylo dhaanta waxa ay ka jirtaa dhanka Guriceel ee xuduudda la leh Ethiopia, hadda ka hor waxa ay ka jirtay dhanka Caabudwaaq, waxay kaloo ka jirtay Hiiraan, waxay kaloo ka jirtay Bakool, marka shaqaaqooyinkaasi soo laa laabanaya waxaan dooneynaa in laga gudbo oo gacan laga geysto sidii uu dowlad deegaanka Itoobiya ay arrimahaasi wax uga qaban lahayd” ayuu hadalkiisa ku daray Wasiirka Arrimaha gudaha.

Caasimada Online
Xafiiska Galgaduud
Caasimada@live.com