25.7 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Kulamo gaar gaar ah oo Muqdisho ka socda iyo xildhibaannada BFS oo la….

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online)- Kulamo kala duwan oo ay yeelanayaan xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ee kala taageersan masuuliyiinta dowlada Soomaaliya ayaa ka soconaya magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ayaa kulan gaar ah waxay ku leeyihiin magaalada Muqdisho, iyagoo ka arinsanaya qorshahooda maalinta Tallaadada ee soo socota.

Xogta aan helayno ayaa sheegaysa in xildhibaanada baarlamaanka ee taageersan madaxweynaha Soomaaliya ay dajinayaan qorshaha maalinta tallaadada ee la doonayo in xildhibaanada baarlamaanka loo qeybiyo mooshinka ka dhanka ah xukuumada Soomaaliya.

Sidoo kale xildhibaanada taageersan ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa maalintii shalay loo diiday inay saxaafada lahadlay, kadib war qoraalah oo kaga yimid C/welli Sheikh Axmed, taasi oo muujineysay inuu ka warhayay qoraalka uu soo saaray Jawaari.

Xildhibaanada ra’iisul wasaaraha ayaa dhankooda wada qabanqaabada kulamo gaar gaar ah oo ay ku wargeliyeen bahda saxaafada magaalada Muqdisho.

La soco waxii kusoo kordhaa Insha allah.

Caasimada Online
Xafiiska Wararka Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News