28.9 C
Mogadishu
Saturday, February 14, 2026

Gudoomiyaha Qaasim Xasan Cabdulle wareysi muhiim ah siiyay Caasimada

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Gudoomiyaha Degmada Boondheere ee Magaalada Muqdisho Qaasim Xasan Cabdulle ayaa wareysi uu siiyay shabakada wararka caasimada.net waxaa uu kaga hadlay arimo ku saabsan waxqabadkiisa intii uu maamulka hayay iyo horumarada ka socda degmadaasi.

Gudoomiyaha oo aan ugu horeyn hor dhignay waxa u qabsoomay tan iyo markii isaga la soo magacaabay bilo ka how ayuu sheegay inay wax badan u qabsoomeen sida horumarkaa degmada, nabad gelyada iyo is dhax galka bulshada.

Gudoomiyaha Degmada Boondheere Qaasim Xasan Cabdulle mar aan wax ka weydiinay waxa uu ka tilmaami karo wixii u qabsoomay wuxuu noo sheegay inuu dayactir guud ku sameeyay dhamaan xafiisyadii waaxyaha kala duwan ee degamda sidoo kale in maamulkoodu dayac tir ku sameeyay darjiinooyinka ay ku leeyihiin isgoyska boondheere.

qaasim xasan

“degmada markii la ii dhiibayay ma jirin wax xafiis ah oo ay leeyihiin dhamaan waaxyaha degmadu ka kooban tahay, hada way wada shaqeynayaan,sidaas oo kale isgoyska boondheere ilaa sedex darjiino oo aan ku leenahay waan dayactirnay,sidoo kale waxaan gacan weyn ka geysanay leyrarka cad cadeeda ku shaqeeya oo aan in badan soo kordhinay”ayuu yiri Gudoomiye Qaasim.

Gudoomiyaha wuxuu intaasi ku daray inay wax badan xooga saareen is dhexgalka bulshada iyo amaanka ayna ilaa iminka ku guuleysteen in degmada la is dhex socdo ilaa saxda dhexe habeenkii iyadoo aaney jirin wax cabsi ah.

Dhanka kale Mas’uulkaan wuxuu ka dhawaajiyay in guud ahaan gudoomiyayaasha degmooyinka ay leeyihiin isku xirnaan dhexdooda ah.

“hada saacaas aad nala joogtaan hadii aan waco dhamaan gudoomiyayaasha degmooyinka ee aan iraahdo degmada boondheere iigu imaada isla hadey imaanayaan daqiiqado gudahood”ayuu yiri Gudoomiye Qaasim

- Advertisement -

Read more

Local News