Abdulqaadir Qasse, waa askariga shaqsiga ku dilay xaafadda Carwada abaare saakay 8.30am xilliga magaalada Mogadishu. Wuxuuna ka dib dhaawac xun u geystay nin xaafaddaas caan ka ahaa oo lagu magacaabo Digil Maxamuud kaasoo ay qaraabo yihiin.
Si kastaba ha ahaatee, wararka aan hadda heleyno ayaa sheegaya inuu kasoo raynayo xaalka Digil Maxamuud oo lagu dabiibayo isbitaalka Turkiga xaafadda Taleex.
Warar dheeraad ah oo ay heshay Caasimadda Online ayaa sidoo kale sheegaya inuu askarigaas oo cabsanaa saakay aroortii askari kale kusoo dilay Lambar Afar (KM4).
Ka hor inta aysan dhaawac u geysan oo aysan qaban ciidamada dowladda Somalia, Abdulqaadir Qasse ayaa waxaa uu dhaawac u gaystay arkari ka tirsanaa ciidamada dowaladda, kaasoo doonayey inuu Abdulqaadir Qasse isku dhiibo ciidamada dowladda.
Faahfaahin dheeraad ah oo ay dad goob-joogeyaal ah siiyaan Caasimadda Online ayey ku xaqiijiyeen inay raraas badan ku dhacday Abdulqaadir Qasse, kaasoo ilaa saakay laba shaqsi dilay laba shaqsi oo kalena dhaawac u gaystay.
Si kastaba ha ahaatee, weli si rasmi ah looma shaacin ujeedka uu askarigaani u laayey una dhaawacay dadkaan rayidka ah.

