Askari hubeysan ayaa qof ku dilay shaqsi kalena ku dhaawacay degaanka Carwadada, xaafadda Taleex ee degmada Hodon ee magaalada Mogadishu.
Caasimadda Online ayaa xiriir la sameysay goob-joogeyaal ku sugan Carwada, waxayna inoo xaqiijiyeen in askariga geystay dilkaan iyo dhaawacaan lagu magacaabo Abdulkadir Qasse.
Shaqsiga uu dilka u geystay ayaana waxaa magiciisa lagu soo koobay Abdisamad, halka ninka uu dhaawaca xun u geystay la yiraahdo Digil Mahamud, kaasoo dhaawac xun lagula cararay.
Sida ay wararku sheegayaan askarigaan ayaa cabsanaa, wuxuuna diiday in isbitaal loo qaado Digil Mahamud oo uu dhaawac u geystay, laakiin askar kale ayaa meesha timid oo xabadeysay taasoo keentay in la helo fursad isbitaal loogu qaado Digil Mahamud.
Ilaa iyo haatan rasaas goog-goos ah ayaa ka soconeysa degaanka Carwada iyadoo askar goobta timid ay isku deyayaan inay qabtaan askarigii dilka iyo dhaawaca geystay oo isaguna isdifaacaya.
Wixii warar ah ee kusoo kordha kala soco Caasimadda Online.