28.3 C
Mogadishu
Thursday, April 30, 2026

Xog: Wakiilada Xasan Sheikh iyo Cabdi Weli oo isku mari la’ 1 milyan oo dollar

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Wada-hadallo ayaa weli u socda wakiilo kala matalaya madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaare Cabdi Weli Sheekh Axmed oo ku saabsan sidii uu xilka uga degi lahaa ra’iisul wasaaraha.

Wada-hadalladan ayaa waxaa garwadeen ka ah madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed xildhibaan Shariif Xasan Sheekh Aadan, waxaana labada dhinac u kala matalaya Faarax C/Qaadir oo wakiil ka ah Xasan Sheekh iyo xildhibaan Cabdi Axmed Dhuxulow (Dhegdheer), oo ka socda dhanka Cabdi Weli.

Sida xubno xog-ogaal ah ay u xaqiijiyeen Caasimada Online, waxaa illaa iyo hadda la isku mari la’ yahay lacagta la siinayo ra’iisul wasaare Cabdi Weli oo ah saddex milyan oo dollar iyo qaabka uu xilka kaga dagayo.

Faarax C/qaadir waxa uu ku adkeysanayaa laba milyan, halka xildhibaan Dhegdheer uu ra’iisul wasaaraha u dalbayo saddex milyan dollar, isaga oo ku adkeystay inaysan ka yar qaadan karin.

Sidoo kale waxaa dood ay ka taagan tahay qaabka uu ku baxayo Cabdi Weli. Kooxda Xasan Sheekh waxa ay dooneysaa inuu ra’iisul wasaaraha is casilo ka hor 6-da December, halka kooxda Cabdi Weli ay doonayaan in codka baarlamanka uu ku baxo ra’iisul wasaaraha.

Waxa ay ku doodayaan inay hubaan in ra’iisul wasaarhu ku dhacayo baarlamanka, islamarkaana sababta ay is-casilaada u diidayaan ay tahay in magaca ra’iisul wasaaraha uusan dhaawacmin. Si kastaba waxaa la filayaa in ka hor 6-da December ay dhinac u dhacdo arrintan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News