27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

XOG: Puntland oo mar kale dib xiriirka ugu jareysa dowladda Somalia, Sabab?

By Asad Cabdullahi Mataan
Bookmark
Bookmarked

Share

Garoowe (Caasimada Online) – Maamulka Puntland, ayaa lagu wadaa in mar kale uu ku dhowaaqo inuu ka baxayo federaalka Soomaaliya sidii caadada u ahaydba, sida ay xubno ka tirsan maamulkaas u sheegeen Caasimada Online.

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in maamulkaas uu dowladda xiriirka u jari doona marka uu xilka ra’iisul wasaare-nimo waayo ra’iisul wasaare Cabdi Sheekh, oo sida la filayo ay u badan tahay 6-da December.

Go’aanka Puntland ayaa salka ku haya, ayaga oo dareemaya in dhammaan heshiisyadii ay la saxiixdeen dowladda ay meesha ka bixi doonaan, haddii xilka uu waayo Cabdi Weli, heshiisyadaas oo badankood u xaglinayey maamulkaas.

Waxaa sidoo kale xil ka qaadista Cabdi Weli ay meesha ka saari doontaa arrimo badan oo ra’iisul wasaaraha uu saxiixiisa magaca DF ugu fududeyn jiray maamulkaas, maadaama ay si aad ah isugu dhowaayeen.

Waxaa kale oo xusid mudan in Puntland ay ahayd maskaxdii ka dambeysay kana dhaadhicisay Cabdi Weli inuu xilka ka qaado Faarax C/qaadir, taasi oo dhalisya khilaafka iminka sababta u noqon doona inuu xilkiisa waayo.

Ujeeddada ugu weyn ee Cabdi Weli iyo Puntland ay xilka uga qaadeen Faarax, ayaa waxa ahayd in la hor-istaago is-beddellada uu Faarax C/qaadir ku sameynayo dastuurka Soomaaliya ee qaladaadka uu ka buuxo, taasi oo Puntland ay diidaneyd.

Haddii Puntland ay si dhab ah gu dhowaaqdo go’aanka waxa uu iman doonaa kaliya wax ka yar 2 bil kadib markii ay dib ula heshiisay DF, kaddib muddo ay carro ku maqneyd.

29_Oct_2014

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

- Advertisement -

Read more

Local News