Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan Cabdinasir Gaarane oo kamid ah Xildhibaanada kasoo horjeedo Mooshinka, ayaa waxa uu sheegay inaysan jirin Mooshin la qeybin doono oo ay ogolaadeen.
Waxa uu ku adkeystay in Baaqashada Shirka Baarlamaanka uu yahay mid ay Fursado laba maalin ah ay ku siiyeen Gudoomiyaha Baarlamaanka Somalia Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, si uu xal u keeno.
Xildhibaanka ayaa waxa uu yiri “Wax heshiis ah ma jirto, ee Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaan labo maalin siinay si uu Khilaafka uga soo tashto”
Waxa uu sidoo kale yiri “Mooshinka horay ayaa loo qeybiyay, taladaadada wax Mooshin oo la qeybinayo ma jirto, Qoraal ayaa kasoo bixi doona Xafiiska Gudoonka Baarlamaanka oo lagu cadeynayo in mooshinka horay loo qeybiyay”.
Waxa uu ka digay in Xildhibaanada qaar ay baahiyaan Warar aan qeyb ka aheyn Heshiisyada dhaca, waxa uuna garabkiisa ku dhiiragaliyay inay ka tanaasulin hadafkooda ah inaan mooshin la hor keenin baarlamanka.
Waxa uu caddeeyay in mowqifkooda uu yahay kii hore, balse ay diyaar u yihiin inay tixgaliyaan amarada uga imaanayo dhanka madaxda dalka.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

