Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaan C/fataax Nuur Mataan oo ka mid ah Xildhibaanada la safan Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Somaliya C/weli Sheekh Axmed, ayaa daboolka ka qaaday inay iyagu ka tanaasuleen in buuq iyo sawaxan ay ka sameeyaan kulamada Baarlamaanka.
Xildhibaan Mataan waxa uu hoosta ka xariiqay in Guddoonka Sare ee Baarlamaanka, ay u soo jeediyeen in kulanka Baarlamaanka la qabto Talaadada, maalinta Sabtida ahna laga doodo mooshinka laga keenay Xukuumada.
Isagoo wareysi siinaayay Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqdisho, ayuu tibaaxay inay garwaaqsadeen in mooshinka loo qaybiyo Xildhibaanada, isla-markaana ay go’aamiyeen inay codkoodu kula tartamaan Xildhibaanada kale.
Xildhibaanka, ayaa waxa uu balanqaaday inay cod ku difaaci doonaan Xukuumada Ra’iisal Wasaaraha, kolka Sabtida soo socoto loo fariisto ka doodista mooshinka kalsooni kala noqoshada ee Xukuumada.
“Ma buuqeyno talaalada, laakiin xeelad kale ayaan ku difaaceynaa C/Weli” ayuu yiri.
Waxa uu intaa ku daray inay yihiin Xildhibaano tiro badan, oo aynaan ahayn sida la moodo, isla-markaana ay u diyaarsan yihiin difaacida Xukuumada, buuq iyo sawaxan la’aan.
Sidoo kale waxa uu sheegay in moraalkoodu uu wanaagsan yahay, isla-markaana aysan wax walaac ah ka qabin Xildhibaanada kale, marka ay noqoto tiro ahaan.
Hadalka ka soo yeeray Xildhibaan Mataan waxa uu ku soo aadayaa, iyadoo Guddoonka Sare ee Baarlamaanka uu fiidnimadii caawa iclaamiyay, in mooshinka Xildhibaanada loo qaybiyo maalinta Talaadada, kana doodaan Sabtida.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]