Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaaya Magaalada Muqdisho, ayaa waxay sheegayaan inxalay lagu dhaawacay nin la dhashay Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, iyadoo dhanka kalana uu dhaawaciisu yahay mid dhexe.
Warar kala duwan, ayaa ka soo baxaaya qaabka lagu dhaawacay Cabdi Kheyr Sheekh Axmed Maxamed, laakiin wararka ugu buuran waxay sheegayaan in gaari uu watay lagu rasaaseeyay Wadada Dabka ee Degmada Hodan.
Cabdi Kheyr, ayaa waxa uu dhaawacmay lugta, ka dib markii laba xabadood ay uga dhacday, waxaana lagula cararay mid ka mid ah Isbitaalada Magaalada Muqdisho.
Sarkaal ka tirsan Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, ayaa waxa uu xaqiijiyay dhaawaca ninka la dhashay Wasiirka 1-aad ee Xukuumada, iyadoo uu qeexay inaanay xaqiiq u ahayn waxa sababay dhaawaciisa.
Laamaha ammaanka ee Gobolka Banaadir, ayaan wax war ah ka soo saarin dhaawaca Cabdi Kheyr Sheekh Axmed.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

