Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka aan ka heleyno Madaxtooyada Somalia, ayaa sheegaya in Kulamo is daba jog ah ay wada qaadanayaan Madaxweyne Xassan iyo R/W C/weli Sheekh.
Wararku waxa ay tibaaxayaan in Ujeedka kulankaasi uu yahay mid lagu soo afmeerayo Khilaafka u dhexeeyo Labada Mas’uul oo iminka fakir ahaan sidii hore isaga soo dhawaaday, islana ogolaaday in sharciga lagu kala baxo.
Mid kamid ah Wasiirada Xukuumada Somalia, ayaa inoo xaqiijiyay in Madaxweyne Xasan iyo C/weli ay isku fahmeen in baarlamanku noqdo halka lagu kala bixi doono, inta ka horeysana shaqada dowladda la wado.
Sidoo kale, waxa uu sheegay in kulamadooda ay goobjoog ka yihiin xubno ka tirsan Beesha Caalamka iyo kuwa ka tirsan DF oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.
Waxa uu intaa hadalkiisa kusii daray in Xasan iyo C/weli ay isla garteen in laga talaabo ama la yareeyo wararka ay warbaahinta isu marinayaan taageerayaashooda, kuwaas oo hoos u dhiggay sumcaddii dowladda Soomaaliya.
Dhanka kale, Arrinta kulanka labada Mas’uul ayaa kusoo beegmeysa xili maalin dib loo dhigay ka doodista Mooshinka waxaana la filayaa in Xasan iyo C/weli ay ku kala bixi doonaan Codka Xildhibaanada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]