Muqdisho (Caasimada Online) – Baarlamanka Somalia ayaa go’aamiyay in maalinta Sabtida ah ee 31-ka Bisha Janaayo la horkeeno xukuumadda cusub ee uu 27-kii bishan ku dhawaaqay Ra’iisal wasaare Cumar C/rashiid sida uu ku dhawaaqay Guddoonka Baarlamaanka.
Baarlamaanka ayaa hore u siiyay Ra’iisal wasaare Cumar C/ashiid muddo laba toddobaad ah oo ku eg dhammaadka bishan, iyadoo la soo magacaabay xukuumad ka kooban 20 wasiir oo aan midkoodna ka mid ahayn Baarlamaanka.
Xildhibaanno badan ayaa ka biyo diidan Wasiirada cusub, waxaase dareemayaa inay gaabsadeen Kutlooyinkii isbaheystay, iyadoo guux badan ka jiro xildhibaannada ayaa la filayaa in dooda ansixinta xukuumada ay adkaan doonto markan.
Inta badan Xildhibaanada Baarlamaanka, ayaa waxay qabaan inaanay jirin sabab aan loo soo dedejin, waqtiga Golaha Wasiirada la horkeenaayo Baarlamaanka, haddii aanu jirin waqti badan oo dib u dhac loo samayn karo.
Saacadihii ugu dambeeyay, ayaa waxaa soo badanaayay Xildhibaanada Baarlamaanka Somaliya, ee eedeymaha kulul u jeedinaaya Madaxda Dowladda, iyagoo markaasi ku muujinaaya sida ay u saluugsan yihiin Wasiirada, la magacaabay habeenkii Talaadada.
Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
[email protected]

