Xasan Sheekh oo goor dhow kullan la yeeshay odayaal kasoo jeeda beesha…

Muqdisho (Caasimada Online)- Warka ka imaanaya Villa Somalia ayaa sheegaya in Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka ah ee Somalia Xasan Sheekh Maxamuud uu goor dhow Xafiiskiisa ku qaabilay Odayaasha kasoo Jeeda Beeshiisa, gaar ahaan Waceysle.

Wararku waxa ay tibaaxayaan in Odayaasha ay Madaxweyne Xasan kala hadleen arrimo ay kamid yihiin Khilaafka Xasan iyo C/weli, hadalkii dhowr saac ka hor kasoo yeeray Nicholas Kay iyo arrimo kale.

Odayaasha ayaa la sheegayaa in Madaxweyne Xasan Sheekh u ballan qaadeen inay garab istaagayaan islamarkaana ay garab ka geysan doonaan xalinta Caqabadaha heysta.

Sidoo kale, waxa ay Xassan Sheekh u sheegen in Nicholas Kay uu ku degdegay hadalkii ahaa in Xildhibaanada dalka ay qaataan Laaluush islamarkaana keeni karin Mooshin ka dhan ah Ra’isulwasaare C/weli sheekh.

Kulanka Xassan iyo Odayaasha waceysle ayaa waxa uu imaanayaa iyadoo madaxweyne Xassan sheekh ay ku furan yihiin Mowjado Siyaasadeed, kuwaasi oo ka dhashay Khilaafyada kala dhexeeya Ra’isul wasaaraha dalka C/weli Sheekh Axmed.

Waxaa sidoo kale Xasan Sheekh kasoo horjeeda beelaha kale ee Hawiye, oo ay ku jiraan kuwa Mudullood, oo dhaliilay siyaasadihiisa.

Kulanka oo ahaa mid aan xog buuxda laga bixin ayaa waxaa hadana la rumeysan yahay inuu ahaa mid Odayaasha ay ku raadinayaan xal siyaasadeed.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com