Xildhibaanada BF oo kulan deg deg ah ka yeeshay hadalkii gefka ahaa ee KAY

Muqdisho (Caasimada Online) – Xubnaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya waxa ku kulmeen xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka, waxaa looga hadlay khilaafka ka dhex-taagan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka Soomaaliya C.wali Sheekh Axmed Maxamed.

Xarunta Golaha shacabka ee Magaalada Muqdisho oo kulankaan uu ka dhacay, ayaa waxaa ku sugnaa Wariyeyaasha, hayeeshe qaybta Baratakoolka Baarlamaanka ayaa wariyeyaasha waxa ay ku wargeliyeen inay banaanka u baxaan, maadaama arimaha laga hadlaayo ay yihiin kuwa xasaasi ah.

Xildhibaan Cali Nuur Boodaaye oo kamid ah xubnaha Baarlamaanka dalka Soomaaliya ayaa Wariyeyaasha kula hadlay banaanka hore ee xarunta Golaha shacabka, wuxuuna u sheegay Saxaafada in sababta hoolka looga soo saaray ay tahay in xubnaha Baarlamaanka ay ka hadlayaan arinta ku aadan khilaafka iyo Warsaxaafadeedkii xalay kasoo baxay Nichlos Kay, Wakiilka Qaramada Midoobay ee dalka Soomaaliya.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale sheegay in wax laga xumaado ay tahay in Nichlos Kay uu sidaasi u hadlo oo Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ku tilmaamo kuwa lacag qaatayaal ah si ay u ridaan Xukuumadda.

Waxa uu xildhibaanku ugu baaqay Ambasaddor Nick kay in uu raali galin ka bixiyo warkaas madaama uu sheegay in uu yahay masuul sare.

Kulanka waxaa shir guddoominaayey Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari, madasha kulankana waxaa ku sugan Xildhibaano tiradooda ay gaareyso 165 Xildhibaan.

Khilaafka madaxda dowladda ka dhaxeeya ayaa gaaray meel fog, waxaana taasi walaac ka muujiyay Beesha caalamka.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com