BF Somalia oo isku khilaafay arrinta la xiriirta khilaafka Xasan iyo Cabdi Weli

Muqdisho (Caasimada Online) – Kulan aan caadi aheyn oo ay maanta Golaha Baarlamaanka Federaalka ah ee Somaalia ku yeesheen Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay ku ansaxiyeen heshiiskii Difaaca ee Dowladaha Somaalia iyo Talyaaniga oo dhawaan loo gudbiyay Golaha Shacabka.

Kulanka oo dhowr saac qaatay ayaa waxaa Shir Gudoominaayay Gudoomiyaha Golaha Shacabka Prof, Maxamed Sheikh Cisaam Jawaari, waxa uuna hoolka ka sheegay in lasoo afjaray ka doodista heshiiska dowladaha Somalia iyo Talyaaniga dhanka difaaca oo sanadkii hore 2013.

Ansaxinta heshiiska kadib ayaa waxaa halkaasi lagu faaqiday Khilaafka u dhexeeya Madaxweyne Xassan sheekh iyo Ra’isulwasaaraha dalka C/weli sheekh axmed, iyadoona ka hadalka Khilaafkaasi uu ka dhashay kala fikir duwanaansho soo kala dhex gashay Golaha Baarlamaanka waxaana Xildhibaanada lagu amray inay dib u dhigaan ka doodista Khilaafka labada mas’uul.

Xildhibaanada qaar ayaa diiday in ka hadalka khilaafka ay goobjoog ka ahaadan warbaahinta, halka qaarna ay ku baaqeen in Saxaafada ay goobta soo xaadirto,waxaana hakat galay doodii aheyn in looga doodo Khilaafka labada mas’uul.

Dhanka kale, Khilaafka Madaxweynaha Somalia iyo Ra’iisul Wasaaraha dalka ayaa ah hadal haynta ugu badan ee dalka iyo dibadaba laga hadal hayo.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com