Kulan loogu barooor-diiqay qaraxii 14-ka October oo lagu qabtay Oslo + Sawirro

Munaasabad baroor diiq iyo duco oh oo si weey loo soo agaasimay islamarkaana ee ka soo qeeb galeen qeebkaha kaladuwan ee bulshada kudhaqan wadanka Norwey ayaa habiinki xalay ahaa lagu qabtay caasimada wadanka Norwey ee Oslo.

munaasabada ayaa waxaa soo qaban qaabiyay jaalijada somaliyeed ee norwey iyo gudigii deeq aruurinta masiibadii qaran ee sanad kahor looga dhawaaqay magaalada oslo kadib qarixii 14 oktober ee galaafta nolasha in kabadan 600 oo qof sababaynah dhaawac intaa kabadan.

wax garadkii isugu jimid munaasamada ayaa ugu horeen u duceeyay dadkii kudhinta qaraxii wuxuush nimda ahaa ee inta la, ogyahay taarikhda kadhacay somalia iyo guud ahaan qaarada Africa, waxaana laga dheehan karay wajiyadooda murugada iyo tiiraanyada ee kureebatay sanad kidib 14 oktober qarixii lalabegsaday isgooska soobe ee magaalada Muqdisho.

Hadaba Ahmed Abukar Jalwo oo ah Gudoomiyaha guud ee jaaliyada somaaliyeed ee Norwey ahna qaban qaabiyaha munaasabada baroor diiqda ah ayaa kashekeeyay waxa ee kaga dhigantahay maanta oo kale sanad kadib qarixii malaalin somaliyeed ee kunool dal iyo dibad gil gilay mar qur ah quluubtooda.

14/October Sanadkii 2017 Soomaalida waxa ay u noqotay sanad Murugo leh…..sanad Mugdi ah….sanad hal mar uu dhiigoodu qubtay in ka badan 655-Qofood….Waa Xusuus ma hadho ah….. waana maalin guri kasta Soomaali ay ku nool yihiin dal iyo dibad ay hal mar wada ilmeeyeen, kadib markii gaari xamuul oo laga soo buuxiyey suntan Kiimikooyinka iyo waxyaabaha qarxa kaasi oo lagu qarxiyey halka halbowlaha u ah ama meesha ay badi maraan dadka ku nool magaalada Muqdisho ee isgoyska Zoobe>

si kastab qarixii 14 kii oktober marka lagayimaado dhimashada iyo dhaawaca waxaa kale oo jiray hanti aad ubadan oo ku bur burtay iyo sidookale dad iyagu nolasha lagu waayay deetanah ahaladoodi tacsi ee u sameyeen mudo kadib waxaana loo demiyay taalada caalamka ugu dhereed ee Paris.

Salad Hussein Mohamud Daacad