Magacyada iyo Beelaha ay kasoo jeedaan xubno xigto la ah MUUSE BIIXI oo loo saxiixay qandaraas culus

Hargeysa (Caasimada Online) – Warar xog-ogaal ah ayaa sheegaya in Xukuumadda Madaxweyne Biixi iyo wasaarada Macdantu  ay buurta Gacan libaax  ruqsad macdan qodis ah u siiyeen shaqsiyeed ku bahoobay shirkad magaceeda la yiraahdo Aabo Mininig Company.

Shirkaddan ayaa waxaa saami ku leh shaqsiyaad Madaxweyne Biixi xidid iyo Xigaal yihiin, kuwaas oo qaarkood ay xilal ka hayaan Xukuumadda halka ay qaarna xilal hore ka hayeen Xukuumadda hore ee Madaxweyne Siilaanyo.

Ilo-wareedyo kala duwan oo ku kala sugan Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera, waxa kaloo ay xuseen inuu shirkada uu waxa ku leeyihiin Eng Cali Xoor iyo Maayarka Berbera Cabdishakuur Ciddin iyo Wasiirka Cabdillaahi Abokor, kuwaas oo aan isa soo dhigi shaashada warqada heshiiska lagu galay, balse wakiilo ka dhigtay shaqsiyaad ku qoran warqada saamilayda shirkadan gacan ku sidka ah.

Dhinaca kale, bishii aynu soo dhaafnay ee Julay ayey ahayd markii Cagafyo la geeyey Buurta Gacan-libaax oo dadka deegaankaasi kala horyimaadeed diidmo sababi gaadhay khasaare nafeed iyo maal ah.

Sidoo kale, Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi ayaa imika dib u istaadhay hawl-gelinta shirkadan oo adeegsanaya Xubno calooshood u shaqaystayaal ah oo ka soo jeeda Beesha degta Buurta Gacan-libaax oo kala ah Caaqli Cabdiraxmaan Afey, Caaqil Ina Food iyo Cabdisalaan Faro nacab .

Halkan Ka Dheeho Magacyadooda Iyo Saamiga Lahaanshahoodda