Wadahadallo aan natiijo laga gaarin oo dhexmaray boqor Salman iyo Erdogan

Riyadh (Caasimada Online) – Sida ay qoreen wargeysyada kasoo baxa magaalada Riyadh ee dalka boqortooyada waxaa khadka Teleefanka kuwada hadlay Boqor Salmaanka Sucuudiga iyo dhigiisa dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan.

Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa Madaxweynaha dalka Turkiga kala hadlay halka ay u mareyso baaritaanka kiiska suxufiga Jamaal Khashoggi oo lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Boqor Salmaan ayaa Erdogan u sheegay in waddankiisu u xiriir wanaagsan kala dhaxeeyo Turkiga, aynan dhici karin in cid kale ay waxyeeleyso xiriirkaasi wanaagsan ee soo jireenka ahi.

Boqor Salmaanka Sucuudiga, ayaa Erdogan ka dalbaday inay wadaagan wixii macluumaad rasmi ah ee ku saleysan Jamaal Khashoggi, waxa uuna ogeysiiyay in dhankooda ay kawadan baaritaano lixaad leh.

Boqor Salmaanka Sucuudiga waxa uu mar kale dhigiisa Turkiga Erdogan u cadeeyay inay saran tahay culeys xad-dhaaf ah oo ka dhashay arrinta Jamaal, balse dalkiisa uusan wax luga ku laheyn kiiska Khashoggi.

Jaraa’idyadu waxa ay qoreen in Boqor Salmaanka Sucuudiga loo qabtay muddo ka yar labaatan cisho oo laga doonaayo in dowladiisa ay kusoo saarto natiijo lagu qanci karo hase yeeshee aanu jirin jawaab ay boqortooyadu u heyso kiiskaas.

Dowladda Turkiga ee uu Hogaamiyo Erdogan ayaa Boqor Salmaanka Sucuudiga ku wargalisay inay sii kordhayan cadeymaha ay u hayaan in Jamaal lagu dhex dilay gudaha qunsuliyadda Sucuudiga ee Istaanbuul. Balse Sucuudiga ayaa wali arrintaasi beeninaaya.

Madaxweyne Erdogan ayaa tan iyo markii la waayay Jamaal ugu baaqayay Sucuudigu in ay runta ka sheegan arrinta weriyahani oo aad maqaalladiisa iyo wareysiyadiisuba ku dhaliili jiray xukuumadda Sucuudiga.

Erdogan ayaa waxaa ka dagi’la beeninta Boqor Salmaan waxa uuna dhankiisa ka doonayaa in banaanka lasoo dhigo kiiska dilka Jamaal oo ah mid iska cad.

Sidoo kale, Boqortooyada Sucuudiga ayaa wajahaya cadaadis caalami ah, waxaana waddamada Jarmalka, Britain, iyo Faransiisku ay ku baaqeen in baaritaan madax-bannaan lagu sameeyo arrinta weriyahaasi.

Si kastaba ha ahaatee, dilka Jamaal Khashoggi ee wakhti danbe la xumaaday dowlada Sacuudiga ayaa muujinaya in Sacuudiga uu horay u dilay tirro Wariyayaal kale oo la la’yahay.

Caasimada Online

Xafiiska Riyadh

Caasimada@live.com