Muuse Biixin oo jawaab ka bixiyey go’aanka dowlada Soomaaliya ay qaadatay

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi Cabdi, ayaa sheegay inaanay Soomaaliya xaq u lahayn inay soo farogeliso arrimaha Somaliland, waxaanu sheegay in Somaliland tahay qaran ka madaxbanaan Soomaaliya.

Sida uu shalay baahiyay Wargeyska The Reporter ee ka soo baxa magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya, Madaxweyne Biixi waxa ay saxaafadii ajaanibka ahayd weydiisay mucaaradada ay dawladda Soomaaliya kala hortimid mashruuca maalgashiga dekedda Berbera eeDP world, ayaa wuxuu Madaxweynuhu yidhi, “Soomaaliya ma soo farogelin karto hawlaha horumarinta dekedeyada. Xaq uma laha. Waxaanu nahay qaran madaxbanaan, waxaanu nahay laba dal.”

Madaxweyne Biixi oo la weydiiyay xidhiidhka isbedelay ee Itoobiya iyo Ereteriya iyo suurtogalnimada tartan ay dekedda Berbera la galaan dekedaha Ereteriya ee Casab iyo Musawac oo la filayo in Itoobiya isticmaasho, wuxuu sheegay in xidhiidhka wanaagsanaadanay ee Itoobiya iyo Ereteriya uu u arko talaabo wanaagsan, “Waxaanu u aragnaa talaabo togan.” Ayuu yidhi Madaxweynuhu isagoo raaciyay, “Itoobiya waxay badeecadaheedu u baahantahay in ka badan 10 dekeadood.” Ayuu yidhi Madaxweynaha Somaliland.

Wargeysku wuxuu soo xigtay hadal uu u sheegay agaasimaha DP world Sultaan Axmed Bin Suleyman oo ahaa in saddexda dhinac ee ku heshiiyay maalgashiga dekedda Berbera uu mid waliba bixin doono saamiga ku soo hagaagay ee casriyaynta iyo baalaadhinta dekedda Berbera. DP world ayaa leh 51% oo ah saamiga ugu badan, Somaliland ayaa leh 30%, halka ay Itoobiya leedahay 19%.

Wejigan koowaad ee balaadhinta dekedda Berbera oo ah 400 oo mitir waxa ku baxaya lacag ah 101 milyan dollar ah. Somaliland ma bixin doonto wax lacag ah maadaama oo ay leedahay dekedda, halka ay DP world bixin doonto inta ku soo hagaagta, Itoobiya ayaa iyaduan marka loo eego saamigeeda 19% waxa ay lacagtan balaadhinta dekedda Berbera bixin doontaa 19.9 milyan dollar.

Caasimada Online
Xafiiska Hargeysa
Caasimada@live.com