Aqalksa Sare oo soo saaray warbixin xasaasi ah oo ku saabsan doorashada K/G

Muqdisho (Caasimadda Online) – Senatorada Aqalka Sare ee baarlamaanka Somaliya ee ka soo jeeda deegaanada Koofur Galbeed, ayaa soo saaray war saxaafadeed ay kaga hadleen arimo dhowr ah.

Xildhibaanadan Aqalka sare, ayaa war saxaafadeedkooda oo ka koobnaa 4 qodob, waxey kaga hadleen; Qarixii Sabtida ee Baydhabo, Amniga Koofur Galbeed, Doorashada dhaceysa bisha danbe iyo walaaca Musharixiinta qaar.

Senatoradan, waxey sheegeen in looga baahanyahay Musharixiint u taagan Koofur Galbeed iney kaalin ka qaataan sugida amniga Baydhabo iyo deegaanada kale.

Waxa ay dhinaca kale ka digeen faragelin ay sheegeen in dowladda dhexe ay ku heyso doorashada dheceysa 17-ka bisha danbe ee November.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com