Kulan wadajir ah oo u furmay xildhibaanada labada gole

Muqdisho (Caasimada Online) – Xildhibaanada labada Gole ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta kulan wadajir ah ku leh xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho.

Kulanka oo goordhow furmay ayaa waxaa si wadajir ah u guddoominayo guddoonka labada Aqal, ayada oo uu ajenduhu yahay akhrinta labaad ee Miisaaniyadda dowladda ee 2023-ka.

Warbixin hordhac ah oo Golaha la siiyay ayaa waxaa lagu sheegay in Miisaaniyadda ay sanadkan diiradda saareyso arrimaha bulshadda, amniga iyo ciidamadda.

Intaas kadib Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ku guda galay dooda ku aadan Miisaanadda 2023-ka, ayaga oo sidoo kale su’aallo weydiinayo Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Cilmi Maxamed Nuur oo isaguna goobjoog ah kulanka wadajirka ee hadda u socdo labada Gole.

Sidoo kale Guddiga Maaliyadda ee labada Gole ee Baarlamaanka ayaa waxa uu dajiyay qorshahaha Miisaaniyadda 2023, sida uu sheegay xildhibaan C/qaadir oo u hadlay guddiga.

“Miisaaniyadda waxaa muuqata in wax loo kordhiyey awoodaha sare sidda Madaxtooyada, laakiin baarlamaanka ma garanayo sababta aan wax loogu dari waayay. Arrintaas iyadana waa in wasaaradda maaliyadda dib u eegto” ayuu yiri Xildhibaan Maxamed Xasan Gaarane.

Doodda ku aadan Miisaaniyada dowladda ee 2023-ka ayaa sii socon doonto, illaa inta ay Xildhibaanada gole ay go’aan uga gaarayaan  inay ansixiyaan ama ay dib u dhigaan.

Baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo ka kooban laba Aaqal ayaa lasoo marsiiyaan shuruucda kala duwan ee ay soo gudbiyaan Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya, si loo helo xisaabtan dhab ah oo ku aadan hay’adaha dowladda federaalka ah ee Soomaaliya.