Kulan xasaasi ah oo u socda Shariif, Xasan iyo Cali Mahdi

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif oo ka mid ah Midowga Musharaxiinta ayaa goordhow guriga uu magaalada Muqdisho ka degan yahay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Cali Mahdi, xili ay xaalad cakiran ka taagan tahay dalka.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Madaxweynayaashii hore ayaa waxaa sii galbiyay soddameeyo kolonyo isugu jirta gaadiidka dagaalka iyo kuwa aan xabadaha karin, xiliga ay tagayeen guriga Cali Mahdi, waxaana hadda u socda shir ay albaabadu u xiran yihiin.

Madaxweynayaashii hore ee dalka ayaa ka wada-hadlaya xaalka cakiran ee dalka, xili ay muddo saacado ah ka harsan yihiin muddo xileedkii sharciga ahaa ee madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, iyada oo ay xusid mudan tahay inuusan jirin heshiis siyaasadeed looga gudbi karo xaaladan cakiran.

Dhaq-dhaqaaqan ayaa sidoo kale waxa uu u muuqda dhoolatus nooc cusub ah, maadama uu kusoo aaday iyada oo saacada un ka harsan tahay muddo xileedka Farmaajo, oo ay si weyn isku hayaan Musharaxiintan.

Midowga Musharaxiinta mucaaridka oo qeyb ka yihiin madaxweynayaashii hore ayaa waxay hore uga digeen firaaq dastuuri ah, iyaga oo kal hore shaaciyey guddiyo doorasho, lamana oga tallaabada ay qaadi doonaan xiligan xasaasiga ah, oo laga cabsi qabo in amaanka guud uu faraha ka baxo.

Caasimada Online ayaa fahamsan in wixii ka dambeeya caawa marka ay saacaddu tahay 11:59 PM aysan Musharaxiinta Mucaaradka u aqoonsan doonin Farmaajo inuu dalka madaxweyne ka yahay, maadaama aanu jirin heshiis doorasho lagu aadi karo.

Wixii kasoo kordha kulankan kala soco Caasimada Online