Daawo: Musharaxiinta dhex-dhexaadka ah oo Farmaajo usoo jeediyey inuu hal mid sameeyo

Muqdisho (Caasimada Online) – Musharaxiinta ku midoobay “Kudladda Musharaxiinta Madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah” ayaa maanta ka hadlay xaalada cakiran ee dalka iyo muddo xileedka madaxweyne Farmaajo, oo ay ka harsan tahay saacado kooban.

Musharaxiintan ayaa sheegay in uusan diyaarsaneyn hanaan badela madaxweyne Farmaajo kadib marka uu caawa kala wareega saacada uu ka dhamaado muddo xileedkiisa dastuuriga ah, isla markaana loo baahan yahay in dalka laga bad-baadiyo firaaq dastuuri ah oo ka dhaca dalka.

Waxay ugu baaqeen madaxweyne Faarmaajo in uu is casilo, maadama ay muddo saacado ah ka hartay muddo xileedkiisa, kuna wareejiyo xilkaas guddoomiyaha golaha shacabka oo ay sheegen inuu yahay shaqsiga xiligan sharciyad u helaya inuu xilkaas sii hayo.

Sidoo kale waxay soo jeediyeen in muddo ku siman 3 bilood gudahooda ah lagu qabto doorasho wada-ogol ah, taasi oo ay ku sheegen inay tahay muddada u yar ee lagu qaban karo doorasho wada-ogol ah oo dalka ka dhacda.

“Dolwaddu ma hayso sharciyad ay ku shaqeyso, si uusan firaaq u dhicin waa in guddoomiyaha baarlamaanka uu la wareego xilka, madaxweynuhuna uu is casilaa caawa labo iyo toban saac ka hor (12:00AM) haddii uu is casili waayana uu si awtamatikali ah uu la wareega guddoomiyaha baarlamaanka, uuna noqdaa madaxweynaha kumeel gaarka ah” ayuu yiri Afhayeen u hadlay Kudlada musharaxiinta madaxweyne ee dhex-dhexaadka ah.

Waxa uu intaas kusii daray “Waa in aan u diyaar garowna saddexda bilood ee soo socda in doorashadii u qabsoomto si dowlad sharci ah loo helo. Waa in gaabkii dhici lahaa uu meesha ka baxom doorashadiina ay qabsoomto muddo gaaban oo saddex bilood gudahooda ah, talladaas ayaa soo jeedinayna waayo majiro waqti kale oo lagu qabto howlo kale”.

Ugu dambeyntiina waxay uga digeen baarlamaanka waqtigiisu dhamaaday inuu caqabad ku noqon oo aysan soo saarin wax sharciyad ah, kuwaasi oo keeni kara dhibaato, isla markaana ay ka fogaadan waxkasta oo sii durkin kara, isla markaana sii fogeyn kara arrinta taagan ee khilaafka doorashada.