Guuleed oo soo bandhigay qoraal uu ugu yeeray ‘Afartii sano ee siyaasaddii Ismoog’

Madaxweynihii hore ee Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo hadda ah musharax u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa soo saaray qormo uu cinwaan uga dhigay, ‘Afartii sano ee siyaasadii ismoog 2017 – 2021’ taas oo uu haga hadlayo xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya.

“Ayadoo ay muddo xileedka Madaxweyne Farmaajo ay ka harsan tahay saacado kooban,  ayaan waxaan jecleystay inaan bulshada Soomaaliyeed la wadaago qormo  aan ugu magac daray,” Afartii sano ee Siyaasaddii ismoog 2017- 2021″ taas oo si guud u milicsaneysa nidaamkaas xukun,” ayuu Cabdikariin Guuleed ku yiri hor dhaca qormadiisa.

Afartii sano ee Siyaasaddii ismoog 2017- 2021

Maanta waxaa idlaaday mudaddii xil-heynta ee madaxweyne Farmaajo. Wuxuu waqtigu idlaaday iyadoo dalku uu ku jiro hubanti la’aan doorasho, Dowladdii dhexe iyo maamul Gobolleedyadii kala taagayanyihiin, Al Shabaab awooddoodii intii hore ka xoog badantahay, oo walaac badan laga qabo mustaqbalka dalka.

Dadka Soomaaliyeed waxey qof walba oo maamulka dalka qabta ka rabaan inuu wax uun horumar ah ka sameyso dhinacyada muhiimka ah sida amniga, dagaalka Al Shabaab, dib u heshiisiinta, shaqo abuurka, daaddajinta maamulka ee heer Federaal, dhismaha ciidan Qaran, dimuqraadiyada doorashooyinka, wanaajinta xiriirka arrimaha dibbada, hormarinta dhaqaalaha iyo xasiloonida siyaasadda.

Waxaa cad in hoggaankii afrtii sanno ee lasoo dhaafay, inuusan waqti ku bixin arrimaha muhiimka ah. Hadii aan mid mid u dul istaagno.

1- Amniga, dagaal Al Shabaab iyo dhismaha ciidan Qaran

Intii uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo ee maanta waqtigii ka dhammaaday waxaa dalka ka dhacay Qaraxyadii ugu waa weynaa abid, waxa la dilay masuuliyiin sar sare, waxaa dib usoo xoogeystay Al Shabaab oo aan dagaal dhab ah lagu qaadin afartaas sanno, waxaana korartay cabsida dadweynaha iyo shaqaalaha Dowladda, dad badan ayaana ka baxay dalka markii ay arkeen iney soo bateen dhibatooyinka la xiriira amniga. Al Shabaab waxey dib u qabsadeen goobo horey looga xoreeyay. Waa ayaandaro weyn in maamulka waqtigu ka dhammaaday uusan wax ahmiyad ah siinin amniga dalka iyo dagaalka Al Shabaab afartii sanno ee lasoo dhaafay.

Heshiisyadii siyaasadeed ee la gaaray waxaa ku jirtay in la dhiso ciidan Qaran oo ka kooban gobollada dalka oo dhan oo loo diyaariyo iney Amisom kala wareegaan ammaanka dalka. Wax shaqo ah lagama qaban arrintaas Dowladuna wax ahmiyad ah ma siinin, wuxuuna waqtigii madaxweynuhu dhammaaday iyadoo wali ay muuqato baahi weyn oo loo qabo joogitaanka Amisom. 

2- Dhaqaalaha iyo Shaqo abuurka

Dhaqaalaha dalka ayaa si weyn u bur buray mudadii uu jiray maamulkii madaxweyne Farmaajo. Waxaa xirmay ganacsiyo badan sida hotelo, shirkaddo ka shaqeyn jiray soo dejinta iyo xarumo bixin jiray adeeg bulsho. Waxaa sabab u ah bur burka dhaqaale ee dhacay canshuurta qorshe la’aanta ah ee ay Dowladdu kordhisay, amni darada baahday, jidadka xiran iyo Al Shabaab oo iyaguna kordhiyay canshuurtii ay ka qaadi jireen dalka oo dhan gaar ahaan Muqdisho.

Afartii sanno ee uu jiray maamulka madaxweyne Farmaajo, wuxuu ahaa waqtigii ugu adkaa dhallinyarada Soomaaliyeed oo aaney helin wax shaqo abuur ah,mid Qaran iyo mid gaar ah intaba. Hoggaanka Dowladdii waqti ku dhammaaday intii ay ka fakari lahaayeen shaqo abuur Qaran oo mustaqbaleh, waxey lacagtii shaqada loogu abuuri lahaa dhallinyarada u adeegsadeen dacaayado lagu marin habaabinaayo bulshada Soomaaliyeed iyo aflagaadeynta madaxdii usoo adeegtay dalkaan.

3- Dib u heshiisiinta iyo daaddajinta Federaalka

Maamulkii madaxweyne Farmaajo waxaa hawlihii loo igmaday ka mid aheyd inuu hannaanka maamul ee Federaalka daaddajiyo oo uu wada gaarsiiyo goballada, degmooyinka iyo tuulooyinka dalka isagoo arrintaas usii maraya Dowlad Gobolleedyada, laakiin nasiib daro waxaa uu madaxweyinihii taas ku badalay dagaal ka dhan maamul Gobolleedyadii dhisnaa. Afartii sanno waxaa ay madaxweynaha kaga dhammaatay iyadoo maamulladii iyo isagu kala taaganyihiin, gobollada qaar  colaaddo ka socdaan, qaarna uu ka fara maroojiyay maamulladii ka jiray.

Maamulkii waqtigu ka dhammaaday waxaa laga rajo qabay inuu sii wadi doono hawlihii dib u heshiisiinta dalka, iyadoo la ogyahay in aaney bulshadda Soomaaliyeed dhexdeedu wali si buuxda uga heshiinin wixii kala gaaray. Madxweynaha oo olollaha doorashada kusoo galay inuu nabadoon noqonaayo, hal maalin xitaa labo is heysa gacanta isuma saarin, ma dhex tagin, waqtina kuma bixin. Maanta waxaa uu waqtigii ka dhamaaday iyadoo dalka qeybo ka mid ah ay dagaallo qabiil ka socdaan, reer Hiiraan ay hub aruursi ku jiraan, Gedo xaalkeedana laga war hayo oo xita uu madaxweynuhu sababay in dumarkii iyo waayeelkii Gedo hubka qaataan.

4- Dimuqraadiyada, Xasiloonida siyaasadda iyo Doorashooyinka

Shaqooyinkii maamulkii madaxweyne Farmaajo laga rabay waxaa ka mid aheyd inuu u saldhigo dimuqraadiyada dalka, hirgalinta nidaamka xisbiyada badan, qabashada doorashooyin dadweyne (Qof iyo cod) iyo inuu abuuro xasilooni siyaaasaded oo taaba-gal ah, laakiin waqtigii wuxuu ka dhacay iyadoo aanu jirin xisbi u diiwaangashan si rasmi ah, isagoo dadkii ku baacsanaya awooddii lagu aaminay qaarna ku dilay, isagoo dhaqankii beelaha kala irdheeyay, isagoo saxaafadii ka dhigay mid uu laalusho iyo mid uu xiro, isagoo abuurtay kooxo guulwadayaal ah iyo isagoo aan hal maalin lala xisaabtamin isaga iyo xukuumadiisa, xisaab celina aan sameynin.

Wuxuu madaxweynaha waqtigii ka dhammaaday isagoo aan heynin heshiis doorasho oo loo dhanyahay, dalkii oo kala taagan iyo hubanti la’aan maamul oo muuqata. Wuxuu waqtigii ka dhammaaday iyadoo qof walba oo Soomaali ah uu lee yahay xagee halkaan laga aadi doonaa, kadib afartii sanno ee siyaasaddii Ismoog.

5- Xiriirka Caalamiga ah

Maamulkii waqtigu ka dhammaaday waxaa lagu wareejiyay wadanka oo xiriir wanaagsan uu kala dhaxeeyo dhammaan dalalka Caalamka, kobcinayay xiriirkiisa iyo danihiisa arrimaha dibbada, balse maanta oo uu waqtigii ka idlaaday waxaa uu maamulkii hore ka tagaya dal cadow badan dibada kuleh, dal dantisii dibada loo afduubay dano yar yar, dal aan laheyn siyaasad dibbadeed oo cad oo la yaqaano waxa ay u taagantahay iyo dal aan laheyn saaxiibo caalami ah, oo danguud lagula macaamilo.

Talo

Madaxweyne afar sanno ayaad dalkaan ku waday siyaasad aan madax iyo majo laheyn, siyaasad ismogeysiis ah oo aan runta iyo caqabadaha loo dhaqaaqeynin xalkooda. Waxaad ogtahay amnigu meesha uu joogo, shaqo la’aantu heerka ay gaartay iyo in aadan Al Shabaab hal maalin u dhaqaaqin. 

Waa la wada soconaa adiga iyo maamul Gobolleedyadii halka aad kala joogtaan, waxaad ka dharagsantahay sicirka qabyaalladu sida uu cirka u galay intii aad xafiiska joogtay, intaas oo dhan waxaad uga sii xogoggaalsantahay inuu waqtigii kaa dhammaaday. Hal talo aan ku siiyo waqti kale ummadda ha ka lumin, adna sumcadaada inta ka hartay dabo qabo oo fadlan si tartiib ah xukunka ugu wareeji guddoonka Baarlamaanka si doorasho loo qabto, adigana Allaha ku amaansado, dalkana u rajeeyay inuu kasoo kabto siyaasadii dhaawaca aheyd ee aad afarta sanno ku hoggaamineysay.